16 dhalinyaro ah oo loo xiray rabshado Oslo ka dhacay labadii maalmood ee ugu danbeysay.

0
122
Jøran Kallmyr : Wasiirka cadaalada Foto: Skjermdump/TV2

Sida ay xaqiijiyeen booliska Oslo, waxaa la xiray ilaa 16 dhalinyaro ah, kuwaas oo lala xiriirinayo inay lug ku lahaayeen rabshado labadii maalmood ee ugu danbeeyay ka dhacayay Oslo.

Booliska ayaa sheegay in dhalinyaradan ay labadii maalmood ee ugu danbeysay Oslo ka geysyeen ugu yaraan 11 dhacdo fal danbiyeed. Waxeyna booliska sheegeen in dhalinyaradan ay geysteen falal isugu jiro dhac, gardareysi iyo qash-qashaad loo geystay dad wadada iska marayo.

Booliska ayaa sheegay in qaar badan oo kamid ah dhalinyarada ay qabteen ay yihiin kuwo ay horey u yaqaaneen oo horey u geystay fal danbiyeed, balse ay kusoo biireen kuwo cusub oo aan wali danbiyo geystan.

Siyaasiyiinta Oslo ayaa maanta leh shirar deg-deg ah oo arintan ay uga xaajoonayaan, waxeyna sheegeen inay ka cabsi qabaan in rabshadahan ay noqdaan kuwo ay dhalinyaro caadeystaan.

Wasiirka amniga iyo cadaalada Norway ayaa dhankiisa sheegay inuu ka wel-wel qabo in rabshadahan ay usii gudbaan magaalooyinka kale ee Oslo ka baxsan.

Xigasho/kilde: 16 personer pågrepet etter voldshelg i Oslo

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments