Norway: Gabar uu dhalay samafale caan ah oo sanadkan u sharaxan bilada Nobel Peace

0
177
Sawirka: Ilwaad Elman

Ilwaad Elman oo ah gabar aktiviiste dhalinyaro soomaali ah, ayaa kamid noqotay dhowrka qof ee isugu soo haray ku guuleysiga bilada nabadda aduunka ee Nobel Peace-ka, oo sanad walba laga bixiyo dalkan Norway.

Machadka cilmibaarista Prio oo xiriir dhow la leh xarunta bixisa biladaas ee Nobel Peace Center ayaa soo saaray liiska xarumaha iyo shaqsiyaadka ay u badantahay inay sanadkan ku guuleystaan bilada Nabadda Aduunka. Waxaa shaqsiyaadka kooban ee liiskaas ku jiro ka dhexmuuqdo magaca Ilwaad Elman.

Ilwaad oo sidoo kale sanadkan 2019 kamid ah dadka ugu saameynta badan qaarada Afrika, ayaa horey ugu guuleysatay dhowr bilad sharaf oo kale. Kuwaas oo ka turjumaya natiijada shaqooyinka ay u qabato bulshada soomaalida ah, gaar ahaan dumarka .

Ilwaad ayaa ah gabar uu dhalay samafale Elman Cali Axmed oo sanadkii 1996 lagu dilay magaalada Muqdisho. Elman ayaa lagu xasuustaa inuu bilowga sagaashamaadkii uu wadooyinka Muqdisho ka uruurin jiray dhalinyarada, isaga oo bari jiray farsamooyinka gacanta iyo xirfado kale oo ay noloshooda ku maareyn karaan. Wuxuuna sidoo kale ahaa ganacsade iyo maamulaha kooxda kubada cagta ee Elman FC.

Bisha December ee sanadkan ayaa ugu danbeyn si rasmi ah loo ogaan doonaa qofka ku guuleystay bilada nabadda aduunka oo ah mid caalamka si weyn looga tixgaliyo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments