Sir ku saabsan qorshaha doorashada xisbiga Ap oo warbaahintu ay heshay.

0
113
Foto: Flicker

Waxaa guud ahaan dalkan Norway ka socoto qaban-qaabada doorashada golayaasha deegaanka iyo dowladaha hoose, taas oo dhici doonto sagaalka bisha September ee sanadkan.

Xisbiyada siyaasada Norway ayaa iygana dhankooda loolan adag ugu jiro, sidii ay codadka ugu badan uga heli lahaayeen taageerayaashoodii hore, ayna u kasban lahaayeen taageerayaal cusub.

Qorshaha Ap oo warbaahintu ay heshay:

Wargeyska VG ee dalkan Norway ayaa soo bandhigay warqad sir ah oo ay ku qorantahay qeyb kamid ah qorshaha xisbiga Ap uu u diyaariyay doorashada, si ay u wiiqaan awooda xisbiyada tartanka kula jira, gaar ahaan Høyre iyo Frp.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Qorshahan oo ahaa mid loogu talagalay inuusan dhaafin xisbiga gudahiisa, ayaa waxaa si sir ah ku helay wargeyska VG, kaas oo daabacaday qeybo kamid ah.

Qorshayaasha ay Ap dajiyeen, ayaa waxaa kamid ahaa inay adeegsadaan reysulwasaraahii hore ee Norway, Gro Harlem Brundtland , si ay weerar afka ugu qaado Reysulwasaaraha Norway ee xiligan Erna Solberg.

Gro Harlem Brundland oo aheyd haweeneydii ugu horeysay ee reysulwasaare ka noqoto Norway, ayaa loogu yeeraa hooyada wadanka. Waxeyna kamid tahay siyaasiyiinta waqtiga ugu dheer reysulwasaaraha ka ahaa wadanka, shacbiyad weyna ku dhex leh bulshada.

Ap ayaa sidoo kale diyaariyay qorshe ay ku beegsanayaan wasiiradii hore ee soo galootiga, Sylvi Listhaug, oo hada ah xubin katirsan baarlamaanka.

Ap ayaa ku talagalay inay taageero ka raadsadaan dadka waayeelka ah ee ma´da ah u dhow xisbigooda, iyaga oo sii maraya dad magac ku leh wadanka, xisbigana horey uga tirsanaa hogaangiisa.

Ingrid Langerud oo ah madaxa xiriirka xisbiga Ap, ayaa sheegay in warqada wargeyska VG uu helay ay tahay mid ku saleysan fikir is weydaarsi oo kali ah, balse aan aheyn mid xisbigu uu isku raacay.

Xigasho/kilde: Internt Ap-dokument: Planla Gro-angrep på Erna Solberg og Sylvi Listhaug

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments