Norway: Dowlada oo isbadal ku sameysay xeerka taageerada dhaqaale ee ardeyda jaamacadaha.

0
132

Dowlada Norway ayaa isbadal ku sameysay xeerarka la xiriira taageerada dhaqaale ee la siiyo ardeyda dhigata jaamacadaha Norway. Ardeyda jaamacadaha ayaa hada ku qasbanaan doono inay dhameystaan waxbarashada ay bilaabeen, si dowladu ay uga cafiso 40% deynta la siiyay.

Stipend iyo deyn(lÅN):

Ardeyda dhigata jaamacadaha Norway ayaa xaq u leh inay codsadaan taageere dhaqaale oo qiyaastii u dhaxeysa 7500 ilaa 8000 kr bishii. Lacagtaas ayaa marka hore ah mid deyn ah oo ardeygu ay dowladu deymisay. Balse hadii ardeygu uu kaligii deganyahay, isla markaana uu ku baaso imtixaanada, wuxuu xaq u leeyahay in 40% deyntaas la siiyay laga cafiyo ama stipend looga dhigo.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Xeerkii cusub ee dowlada ay sanadkan soo rogtay ayaa dhigaya in ardeygu uu dhameysto waxbarashada jaamacada, si qeyb kamid ah deynta la siiyay looga cafiyo ama stipend ahaan looga dhigo.

Dowlada ayaa arintan ku micneysay inay rabto in ardeyda lagu dhiirigaliyo inay dhameystaan waxbarashada jaamacadaha, maadaama 50% ardeyda jaamacadaha ay waxbarashadan ka dhacaan.

Ururada ardeyda ayaa arintan ka muujiyay fal celin xoogan, waxeyna sheegeen in dowladu ay xaalada ku adkeyneyso ardeyda, isla markaana ay saareyso cadaadis aysan awoodin.

Xigasho/kilde: Regjeringens nye regler for studielån innføres fra høsten. Nå må studentene fullføre graden for å få deler av studielånet omgjort til stipend.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments