Nin diyaarad la´aan duulimaad hawada ah isaga gudbay xuduudka labo wadan.

0
229
Fanky Zapata

Nin Faransiis ah oo magaciisu yahay Fanky Zapata ayaa noqday ninkii ugu horeeyay ee ka gudba Kanaalka Ingiriiska ee kala qeybiya dalalka Faransiiska iyo Britain isaga oo ku duulaya qalab cusub oo uu isaga sameeyay. 

Qalabkan uu qofka isku rakibayo, ayaa waxaa loo yaqaanaa flyboard, waana markii koowaad ee taariikhda la sameeyay, wuxuuna ku jiraa xiligii tijaabada. 

Waxa uu ninkan duulay masaafo dhan 35 km , waxayna ku qaadatay 22 daqiiqo.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

«Waxaan samaynay qalabkan 3 sanno ka hor, haddana waxaan ka gudubnay kanaalka ingiriiska, tan in ay tahay taariikhi iyo in kale, taas aniga iima taalo, waqtiga ayaa sheegi doona» ayuu yiri Mr Zapata.

Dhibka ugu weyn ee hawada ku qabsaday ayaa ahaa sidii uu boorsooyinka shidaalka u kala badelan lahaa. 

Intii uu duulimaadka ku jiray waxaa hareer socday saddex diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah. 

Sannadkan xuskii Bastille Day ayuu soo jiitay dareenka dalka Faransiiska, iyada oo wasaaradda gaashaandhiga ay shirkadiisa Z-AIR ku maalgalisay $1.4 milyan oo ay ku hormariso wax soo saarka qalabka duulimaadka ceynkan ah ee uu halka qof adeegsan karo. 

Dowladda Faransiiska ayaa jeclaan lahayn in qalabkan ay u adeegsado goobaha dagaalka.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments