Erna Solberg iyo wasiiro dhowr ah oo booqday masaajidka Towfiiq.

0
129

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg iyo wasiiro dhowr ah oo xukuumadeeda ka tirsan ayaa maanta booqasho ku tagay masaajidka soomaalida ee Towfiiq. Si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan dhacdadii shaley ka dhacday masaajika Al Noor ee magaalada Bærum.

Solberg ayaa waxaa sidoo kale booqashada ku weheliyay gudoomiyaha dalada ururada muslimiinta ah ee Norway, Cabdiraxmaan Diiriye.

Solberg oo saaka galinkii hore booqasho ku tagtay masaajidkii uu dhibku ka dhacay ayaa mar kale ku celisay sida ay ugu xuntahay dhacdadii shaley dhacday. Waxeyna raacisay inay muhiim tahay in qof walba oo dareemo inuu xasilooni ku caabudo diintiisa.

Reysulwasaaraha ayaa dadka muslimiinta ah ugu hanbalyeysay farxada ciida ee maanta ku aadaneyd, waxeyna sheegtay in iyada iyo xukuumadeedu ay xooga iska saari doonaan in la ilaaliyo goobaha ay ku kulansanyihiin dadka muslimiinta ah maalinta ciida.

Gudoomiyaha dalada ururada islaamka Norway(IRN), Cabdiraxmaan Diiriye ayaa isna sheegay in falkan uu ahaa mid la rabay in lagu waxyeeleeyo dad muslimiin ah, balse lagu guuldareystay. Isaga oo raaciyay inay muhiim tahay in si wadajir ah looga hortago falalka naceybka ah ee lagu beegsanayo dadka muslimiinta ah.

Erna Solberg, Cabdiraxmaan Diiriye iyo wasiirada dowlada ayaa hada wareysiyo kala duwan albaabka masaajidka Towfiiq ku siinayo saxaafada.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments