Bærum: Meydka haweenay qoys la ah ninkii masaajidka weerarar oo guri laga helay.

0
136
Foto: NRK/SKJERMDUmp

Booliska magaalada Oslo ayaa xalay fiidkii xaqiijiyay in guri kuyaalo magaalada Bærum ay ka heleen meydka haweenay dhalinyaro ah, taas oo qoys la ah ninkii shaley galabtii weerarka ku qaaday masaajidka AlNoor ee magaalada Bærum.

Booliska ayaa isla xaleyba sheegay inuu xiriir ka dhaxeeyo weerarka masaajidka lagu qaaday iyo meydka laga helay guriga ay boolisku baareen. Waxeyna sheegeen in falkan ay ku tuhunsanyihiin inuu yahay mid dil ah oo haweenayda loo geytay.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Sidoo kale booliska ayaa sheegay in ninka masaajidka weeraray ee hada xabsiga kujiro ay kusoo oogeen dacwad la xiriirta dil iyo isku day dil, inkasta oo aysan wali bixin faah-faahin dheeri ah oo dhacdadan ku saabsan.

Abaare afartii galabnimo ee shaley ayay boolisku sheegeen inay heleen fariin sheegeyso in xabado laga maqlay gudaha masaajidka Al noor ee magaalada Bærum. Iyaga oo si dhaqso ah goobta ku tagay, waxeyna ugu tageen nin dhalinyaro Norwiiji ah oo rabay inuu weerar ka geysto masaajidka, balse dadkii ku sugnaa masaajidka ayaa ku guuleystay inay kahor dagaan.

Booliska ayaa sheegay in ninkan uu yahay qof ay horay xiriir ula sameeyeen.

Warbaahinta qaarkeed ayaa qoreyso in internetta laga helay qoraal uu ninkan ku faafiyay nettka, saacado kahor inta uusan weerarka geysan. Kaas oo ku amaanayay ninkii weerarka ka geystay masaajidka kuyaal dalka New Zealand 15-kii bishii Maarso ee sanadkan.

Xigasho/kilde: Ung kvinne funnet død i bolig – etterforskes som mulig drap

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments