Wasiirka waxbarashada oo ku dhagan UDI-da Norway.

0
104
Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka Norway: Jan Tore Sanner Foto: Wikipedia

Isbuucii na dhaafay maxkamad ku taal dalka Talyaaniga ayaa xukun xabsi ah ku riday wadaadka Mulla Krekar iyo nin kale oo heysta dhalashada Norway oo ay Krekar isku dhowyihiin.

Waxaana markii danbe la ogaaday in hey´adda soo galootiga Norway ay sharciga Dhalashada Norway siisay ninkaas, iyada oo ay ku socdaan baaritaanka la xiriira kiiska danbiga argagaxisnimo ee hada loo xukumay.

XYS: Shirkada: Sharcigu xaqiisa ma siiyo qofkii aamusa, nala soo xiriir si aan dhibtaada u dhageysano, talana kaaga siino. 45970350, ama riix sawirka kore.

Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka Norway ayaa si caro leh uga jawaabay arintaas, wuxuuna hey´adda UDI-da ka dalbaday inay faah-faahin qoraal ah kasoo siiyaan qaabka ay ku dhacday arintaas.

Isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in qof argagaxisnimo ku eedeysan uu helo dhalashada Norway, wuxuuna sheegay inuu rabo inuu ogaado qaabka ay UDI-da u martay qiimeynta codsiga ninkaas.

Maadaama ninkaas uu hada heysto Dhalashada Norway, waxaa dowlada Norway waajib ku ah inaysan u dhiibin dowlada Talyaaniga, oo la filayo inay dhawaan soo dalbato in Krekar iyo ninkaas loo soo gacan geliyo. Si loogu qaado danbiga ay maxkamadu ku xukuntay ee la xiriira argagaxisnimada.

Xigasho/kilde: Mulla Krekars medtiltalte fikk norsk statsborgerskap mens terrorsaken ble etterforsket. – Noen hull må tettes, sier Integreringsminister Jan Tore Sanner (H).

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments