Trump oo Sweden ka codsaday in fanaan Mareykan ah xabsiga laga sii daayo.

0
137

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in Reysulwasaaraha Sweden uu ka codsaday in xabsiga laga sii daayo fanaanka  A$AP Rocky oo 2 isbuuc kahor ay xabsiga dhigeen booliska Sweden.

Waxeyna booliska Sweden fanaankaas ku eedeeyeen xadgudub iyo gabood falo uu kula kacay shaqsiyaad.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Sweden uu ka codsaday in fanaankaas xabsiga laga sii daayo, inta ay boolisku soo baarayaan kiiska la xiriira danbiga lagu soo eedeeyay ee xabsiga loo dhigay.

Xayeysiin- Shirkada: Sharciga xaqiisa ma siiyo qofkii aamusa, Nala soo xiriir si aan kiiskaaga u dhageysano: 45970350

Trump ayaa sheegay in Reysulwasaaraha Sweden uu balanqaaday in Rocky uu cadaalad ka heli doono nidaamka cadaalada dalka Sweden.

Reysulwasaaraha Sweden ayaa dhankiisa xaqiijiyay inuu lasoo xiriiray Trump, balse wuxuu meesha ka saaray oo wax aan suurtogal aheyn ku tilmaamay inuu dhexgalo kiis ay boolisku gacanta ku hayaan baaristiisa.

Wasiirka arrimaha Dibadda Sweden, Margot Wallström ayaa dhankeeda sheegtay in loo simanyahay sharciga dalka Sweden. Waxeyna raacisay inay ku kalsoontahay in kiiska fanaankaas loo mari doono wado cadaalad ah.

Fanaaniin, jilayaal iyo dad magac ku leh gudaha Mareykanka ayaa madaxweyne Trump cadaadis ku saaray inuu Sweden kala hadlo fanaankaaas xiran.

Xigasho/kilde: TRUMP HAR SNAKKET MED LÖFVEN:Tilbød meg å betale ASAP Rockys kausjon.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments