Oljefondet: 1,76 milyan oo Kr ayaa sanduuqan ugu jirta qof walba oo Norwiiji ah.

0
89
Foto: Skjerdump-Nbims Cadadka lacagta kujirto sanduuqaas.

Qiimaha sanduuqa keydka ee lagu keydiyo lacagta shidaalka kasoo gasho dowlada Norway(Oljefondet), ayaa gaaray heerkii ugu sareysay abid. Wuxuuna hada qiimihiisu marayaa 9.384 bilyan oo lacagta Norway ah.

Taas oo ka dhigan in hadii loo qeybiyo tirada bulshada Norwiijiga ah, ay qof walbe kusoo aadeyso 1,8 milyan oo kr. Tirada dadka Norwiijiga ah ayaa lagu qiyaasaa 5,3 milyan oo qof.

Kala xiriir 45970350 ama booqo webkooda(Riix sawirka)

Norway oo kamid ah wadamada qaniga ku ah saliida Qeyriin iyo gaaska, ayaa waxaa sanad walba balaayiin dollar ay kasoo gashaa shidaalka ay dhoofiso. Balse lacagta dhoofinta shidaalka dowladu toos uma isticmaasho, kamana mid ah miisaaniyada sanadlaha ah ee dowlada.

Waxaana lacagtaas toos loogu shubaa sanduuqa keydka oo la sameeyay sanadkii 1996, kaas oo loogu talagalay in lagu keydiyo, si jiilashada danbe ay saamigooda uga helvan lacagta kasoo xarooto kheyraadka shidaalka. Sidoo kalena loo adeegsado xiliyada ay xaaladuhu xumaadaan, ama ay dhacdo dhaqaale xumi.

Sanduuqaas oo loogu yeero «Statens Pensjonsfond utland» ayaa konto ku leh bankiga dhexe ee Norway, waxaa lacagtaas lagu sameeyaa maalgalin, si looga helo faa´iido, lafahana loo badbaadiyo.

Wargeyska E24 ee ka warama dhaqaalaha ayaa saaka qoray in qiimaha sanduuqaas uu gaaray meeshii ugu sareysay abid, waxaa sanadkii ugu danbeeyay ku kordhay 1,100 bilyan oo kroner.

Xigasho/kilde: Oljefondets verdi setter rekord igjen, og tilsvarer nå 1,76 millioner kroner per nordmann.

Halkan ayaad si toos ah saxad walba ugala somon kartaa qiimaha sanduuqaas.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments