Oslo: 15-jir soomaali oo geeriyooday, kadib markii uu dabaal ku «haftay».

0
98

Sida ay qortay wakaalada wararka Norway ee NTB, wiil 15-sano jir ah ayaa shaley fiidkii ku geeriyooday harada(Innsjø) Nord-Elvåga ee duleedika Oslo. Kadib markii uu ku haftay dabaal ay biyaha ku dabaalayeen, isaga iyo saaxiibadii.

Laamaha gargaarka deg-dega ah, ayaa wiilka biyaha kasoo saarey, waxaana la geeyay isbitaalka, halkaas oo markii danbe ay boolisku ku xaqiijiyeen inuu geeriyooday.

Booliska oo maanta dhacdadan uga waramay NRK, ayaa sheegay inay la hadleen dhalinyarada wiilka la socotay iyo dad kale oo goob joog ka ahaa meesha uu shilkan naxdinta leh ka dhacay.

Anders Johnsrud oo booliska u hadlay ayaa sheegay in wiilka 15-sano jirka ah ee geeriyooday uusan dabaasha aqoonin , isla markaana dhalinyaradii kale ee la socoteyna aysan dabaasha aad ugu fiicneen.

Wiilka geeriyooday ayaa sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa, ah wiil soomaali ah.

Xiliyada xagaaga, waxaa aad usoo noq-noqdo shilalka dabaasha oo ay la kulmaan dhalinyarada soomaalida ah. Waxaana intooda badan sabab u ah aqoon la’aanta xaga dabaasha biyaha.

Labo isbuuc kahor, wiil soomaali ah ayaa sidoo kale woqooyiga dalkan Norway ku dhaawacmay shil kasoo gaaray, kadib markii uu ku haftay dabaal badda ah.

Xigasho/kilde: 15-åring omkom i badeulykke – kunne ikke svømme: En 15 år gammel gutt omkom etter en badeulykke i Oslo lørdag kveld. Han kunne ikke svømme.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments