Norway: Dhakhtar booliska ka caawiyay in la tarxiilo haweenay suuxsan oo dacwad laga gudbiyay.

0
87
Safiirka Afgaanistaan ee Norway:Shukria Barakzai

Qareenka qoyska Abbasi Familien oo dowlada Norway ay isku dayday inay isbuucii hore ka tarxiisho Norway, ayaa dacwad ka gudbiyay dhakhtarkii booliska ka caawiyay in diyaarada la saara hooyada qoyska oo xiligaas caafimaad ahaan aad u liidatay.

Isbuucii lasoo dhaafay, booliska Norway, qeybtooda qaabilsan soo galootiga, ayaa isku dayay inay tarxiilaan ka hooyada qoyska «Abbasi» oo u dhalatay dalka Afgaanistaan iyo sadex caruur ah oo ay dhashay.

Haweeneydan oo xiliga diyaarada la saarayay xanuunsaneyd, ayaa ku suuxday diyaarada dhexdeeda. Waxaana markii danbe dib loogu soo celiyay Norway, kadib markii masuuliyiinta dowlada Turkiga ay diideen ay garoonka diyaaradaha Istanbul laga dhoofiyo qof caafimaad ahaan aan diyaarad qaban karin.

Booliska ayaa go´aansaday inay haweeneydan ku reebaan Turkiga, waxeyna sadexdii caruurta ahaa oo ay dhashay u gudbiyeen Afghanistan. Balse dowlada Afghanistan ayaa diiday inay qaabisho caruur aysan hooyadood la socon.

Haweeneyda iyo caruurteediiba, waxaa labo maalmood kadib dib loogu soo celiyay Norway. Waxaana howlgalka tarxiilkan fashilmay ku baxday lacag dhan 3 milyan oo kroner. (halkan ka akhri)

Dhakhtarii booliska caawiyay oo dacwad laga gudbiyay:

Qareenka qoyskan ayaa dacwad ka gudbiyay dhakhtarkii booliska ka caawiyay, una ansixiyay in diyaarada tarxiilka la saari karo qof dumar ah oo xanuunsan.

Dhakhtarkan iyo shirkadiisa oo heshiis kula jiro hey´addaha soo galootiga, ayaa sidoo kale ah dhakhtarka UDI-da u qabta shaqada hubinta da´da magangalyo doonka dhalinyarada ah ee Norway iska dhiibo. Waxaana jiray eedeymo hore loogu soo jeediyay, kuna saabsan qaabka uu wax u baaro.

Dhakhtartan ayaa lagu eedeynayaa inuu yahay qof neceb soo galootiga, kana soo horjeeda imaatinka qoxootiga ee Norway. Wuxuuna horey qoraalo looga soo horjeedo soo galootiga ugu qoray webabka ay maamulaan kooxaha xagjirka midigta fog.

Xigasho/kilde: En lege hjalp til da Abbasi-familien ble sendt ut av Norge. Han har tidligere skrevet kritisk om innvandring på internett, ifølge aviser.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments