Denmark: Qoxootiga shaqeysta, waxey xaq u leeyihiin inay joogaan.

0
146

Xukuumada cusub ee garabka bidix ee dalka Denmark taladiisa la wareegtay, ayaa dhaqangalisay xeerar cusub oo ku saabsan siyaasada soo galootiga iyo qoxootiga dalkaas.

Mid kamid ah xeerarkaas ayaa ah in dadka qoxootiga ah ee shaqo rasmi ah(fast) ah ka shaqeynayay labo sano oo xiriir ah, ay xaq u leeyihiin inay dalkaas sii joogi karaan.

Shirkada: Nasoo wac, waxaad heleysaa saacad bilaash ah oo aan kiiskaaga ku dhageysano.

Xeerkan ayaa si toos ah u saameynayo boqolaal qoxooti ah, kuwaas oo lagu wargaliyay inay dalkoodii ku noqdaan, maadaama aysan u baahneyn magangalyo. Qaar badan oo dadkaas kamid ah, ayaa ah kuwo shaqeeya, caruur wadankaas ku dhalay ama wax ka barta.

Sharcigan cusub ayaa fursad u siinaya dadka wadankaas ka shaqeynayay labadii sano ee ugu danbeeyay, inay soo joogi karaan Denmark, noloshoodana ay sii wadan karaan.

Mid kamid ah dadkaas, ayaa ah darawal soomaali ah oo lagu magacaabo Said Abdullahi, kana shaqeeyo busska magaalada Viborg.

Said oo sheekadiisa ay warbaahinta lokalka ah ee deegaankaas aad wax uga qori jirtay labadii sano ee ugu danbeeyay, ayaa hada heli doono jaanis uu noloshiisa caadiga ah kusii wato. Inkasta oo labo sano kahor lagu wargaliyay in isaga iyo reerkiisaba ay Denmark isaga baxas.

Aabahan soomaaliga ah ayaa warbaahinta TV MIDTVEST u sheegay sida uu ugu faraxsanyahay go´aanka cusub oo ay gaartay xukuumada cusub, kaas oo saameyn wanaagsan ku yeeshay noloshiisa.

Xigasho/kilde: TV MIDTVEST-Den nye regerings forståelsespapir gør, at 36-årige Said Abdullahi fra Viborg kan få lov til at blive i Danmark grundet hans arbejde.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments