Qareen Petter Clemetsen: Qaabkan ayuu ku bilowdaa kiis barnevernka ah.

0
182
Qoraha maqaalkan: Petter Clemetsen, shirkada qareenada Clemetsen & Mohammad As(Hoos ka akhri isaga oo Norwiiji ah).

Petter Clemetsen, Wuxuu horey u caawiyay ama uu qareen u ahaa qoysas badan oo soomaali iyo ajaaniib kale ah, wuxuuna maqaalkan kusoo koobayaa nuxurka sida ay barnevernku kiisaska ku furaan iyo heerarka kala duwan ee uu maro.

  • Sida caadiga ah kiis barnevernka ah wuxuu ku bilowdaa fariin wel-wel xanbaarsan(Beskymringsmelding) oo loo diro barnevernka. Waxaa dhici karta in iskuulka ama xarunta xanaanada caruurta (barnehage) ay ka wel-welsanyihiin xaalada ilmaha, ama qof daris ah uu fariin u diro barnevernka. Praktik ahaan qof walba ayaa fariin wel-wel xanbaarsan u diri karo barnevernka.
  • Kadib marka ay barnevernku helaan fariinta wel-welka xanbaarsan, waxey hordhac ahaan u furaan baaritaan(Undersøkelsesak).
  • Inta lagu gudo jiro baaritaankaas, waxey shaqaalaha barnevernku kulan la yeeshaan waalidka, si ay u ogaadaan sababta keentay wel-welka ama waxa ka danbeeyo in fariin wel-wel xanbaarsan loo soo diro iyaga. Inta lagu jiro kulamadaas, waa muhiim inaad wadato turjumaan, ama qof kale oo aad ku kalsoontahay, waxaa ugu fiican inaad qareen wadato.
  • Marka ay baaritaanka dhameeyaan, waxey barnevernku qiimeynayaan ama go´aan ka gaarayaan waxa la sameyn doono. Kiiska halkaas ayaa lagu xiri karaa iyada oo aan wax lasii socosho ah jirin, ama waxaa la sameyn karaa talaabooyin(tiltalk).

Talaabooyin noocee ah ayay qaadi karaan:

  • Shaqaalaha barnevernku waxey si aan qasab aheyn(frivillig ah) u sameyn karaan talaabooyin(tiltak), iyaga oo kaashanaya waalidka. Waxey tusaale ahaan noqon karaa talo-bixin, aqoon kordhin ama in koorso la siiyo waalidka. Mararka qaarna in ilmaha la geeyo meel ka baxsan guriga.
  • Barnevernku sidoo kale waxey sameyn karaan talaabooyin qasab ah, waana kuwa ugu adag, waxeyna noqon karaan in xanaanada ilmaha laga wareejiyo waalidka, in ilmaha guriga iyo waalidka laga kaxeeyo lana geeyo meel kale ama la dajiyo xarumo lagu xanaaneeyo.
  • Hadii ay noqoto in barnevernku ay qaadaan talaabooyin qasab ah, waa in kiiskaas lagu qaadaa gudiga xeer beegtida gobolka ama maxkamad. Maqaalka kan xiga ayaan arintan iyada oo faah-faahsan uga hadli doonaa.

Qore: Petter Clemetsen, shirkada qareenada Clemetsen & Mohammad As.

——————————————————————————————————————–

Hvordan begynner en barnevernssak:

  • En sak i barneverntjenesten starter med en bekymringsmelding. Det kan være snakk om at skolen eller barnehagen er bekymret for hvordan barnet har det,  eller det kan være en nabo som er bekymret. I praksis kan hvem som helst sende inn en bekymringsmelding til barneverntjenesten.
  • Eter at barneverntjenesten har fått inn bekymringsmeldingen vil de opprette en undersøkelsessak.
  • Under undersøkelsessaken må barnverntjenesten ha møter med foreldrene for å finne ut hva som ligger i bekymringsmeldingen. Under møtet er det viktig å ha med tolk og eventuelt en du stoler på,  gjerne advokast.
  • Etter undersøkelsessaken  vil barneverntjenesten vurdere hva som gjøres videre.  Saken kan avsluttes uten videre oppfølging eller det kan settes inn tiltak.

Hvilke tiltak kan barneverntjenesten sette inn?

  • Barneverntjenesten kan sette inn tiltak frivillig,  sammen med foreldrene. Det er her snakk om en rekke tiltak.
  • For eksempel  råd og veiledning, kursing eller plassering av barnet utenforhjemmet
  • Barnevernet kan også gjennomføre tiltak under tvang, dette er de vanskeligste tiltakene og inkluderer blant annet: Omsorgsovertakelse, barnet fjernes fra sitt hjem og sin familie. Plassering av barnet i institusjon
  • Dersom barnevernet vil sette inn tvangstiltak må saken behandles i fylkesnemnda og i domstolene. Vi vil gå gjennom dette i en senere artikkel.

Petter Clemetsen. Advokat

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments