Listhaug oo mar kale xil wasiir loo magacaabi doono.

0
134

Sida uu soo tabiyay TV-ga qaranka Norway ee NRK, wasiiradii hore ee soo galootiga Norway, Sylvi Listhaug ayaa lagu wadaa in mar kale loo magacaabo jago wasiirnimo.

Listhaug oo sanad kahor lagu qasbay inay iska casisho xilk wasiirka soo galootiga iyo cadaalada, ayaa hada loo magacaabi doonaa wasiirka dadka waayeelka ah iyo caafimaadka dadweynaha. Waxeyna xilkaas kala wareegi doonaa wasiirada xilkaas hada heysa ee Åse Michaelsen.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg ayaa lagu sheegay in isku shaandheyn lagu sameyn doono golaha wasiirada, shirka golaha wasiirada ee maanta oo jimce ah ka dhacayo qasriga boqorka Norway.

Listhaug oo kamid ah siyaasiyiinta ugu hadalka qalafsan siyaasada Norway, ayaa mar kale kasoo dhex muuqan doonto golaha wasiirada Erna Solberg, sanad iyo waxyar kadib markii ay sababi gaartay in gabi ahaanba xukuumada Solberg ay dhacdo.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments