Norway: Xaakim hore oo lasoo taagay maxkamad, isaga oo ku eedeysan faro-xumeyn caruur.

0
77
Oslo Tingrett Foto: Wikipedia

Xaakim hore oo hada howlgab noqday shaqada maxkamada, ayaa isniinta lasoo taagi doonaa maxkamada Oslo, isaga oo ku eedeysan faro xumeyn caruur ay qaarkood da´doodu gaareyso 8 sano.

Xaakimkan oo hada 75 sano jir ah, ayaa ku eedeysan inuu falalkan faraxumeynta caruurta ah geystay, mudadii u dhaxeysay Maarso ilaa May ee sanadkii hore. Waxaana lagu eedeeyay inuu fal danbiyeed la xiriira faraxumeyn uu kula kacay shan gabdhood oo da´doodu ay u dhaxeyso 8 ilaa 11 sano.

Odeygan ayaa sidoo kale ku eedeysan falal dhaqanxumo ah oo uu ku beegsaday caruur da´yar ah, isaga oo adeegsanayo barta internetka. Wuxuuna qirtay dhamaan danbiyada lagu soo eedeeyay, sida uu sheegay qareenkiisu.

Xaakimkan ayaa sidoo kale horey loogu xukumay sideed sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi la xiriira faroxumeyn laba gabdhood oo da´doodu ay u dhaxeyso 11 ilaa 13 sano. Xiligaas wuxuu iska fogeeyay eedeyntaas, isaga oo sanad kadibna lagu eedeeyay inuu ku kacay falal noocaas oo kale ah, kuwaas oo qaarkood ay dhaceen intii uu xaakimka ahaa.

Maxkamada Oslo ayaa sadex maalin dhageysan doonto dacwada ka dhanka ah xaakimkan.

Xigasho/kilde: VG/NTB

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments