Wiil soomaali ah oo farshaxkiisa, deeq waxbarasho ku helay.

0
77
Abshir taatiko.

Xigashada qoraalkan: BBC-SOMALI.COM

Abshir Jaamac Taatiko waa farshaxan uu qalinkiisu suureeyo sawirrida muuqaalada masuuliyiinta soomaalida iyo kuwa dibadda,wuxuu hal mar ka soo dhex baxay bahda farshaxanka soomaalida.

Farshaxanimadu ma fududa marka ay jiraan daruufo kuu diidaya in aad ka dhabayso himiladaada fog ee sawirka, marka aad ku dhex nooshahay bulsho si wayn uga soo hor jeeda farsahaxanka, deegaanka uu Abshir ka soo dhex baxay kama dhisna goobo lagu barto farsahaxanka iyo aqoonta sare ee la xiriirta.

»Waxaa ii fududeysay inaa barto farshaxanka wuxuu ahaa hamigaygii waana waxa aan jeclahay oo aan gacanta ku hayo oo aan ku celceliyo aniga oo aan u tagin goob waxbarsho, wayna ii suurta gashay inaan noqdo farshaxan» sidaas waxaa BBC-da u sheegay Farshaxan Abshir Taatiko.

Laga soo bilaabo sannadkii 2016 sawirrada Abshir waxay ka dhex muuqdeen baraha bulshada oo ay ka dhex muuqdeen sawirro uu ka sameeyey masuuliyiin kala duwan ee dawlada Soomaaliya.

Sawirkiisii ugu danbeyeeyay ee uu ka sawiray madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ah mid ka duwan kuwii uu ka sawiray masuuliyiinta soomaalida, kuwaas oo kala kulmi jiray dhiiri galin kaliya,balse safaarada Turkiga Muqdisho ayaa u sheegtay Abshir war farxad leh.

»Waxaan sameeyay sawirka Erdogan, waxaan soo galiyay barta twitterka, dhallinyrada Soomaaliyeed ayaa ku dadaalay in ay gaarsiiyaan masuuliyiinta Turkiga ka dib safaaradda Turkiga ayaa i soo wacday, waxaan kala kulmay soo dhaweyn iyo dhiiri galin, waxay safaaradu ii balan qaaday in ay i siin doonto waxbarasho sidoo kale qalabka aan uga baahannay aan ka heli doono.»

Fursad waxbarash oo la siiyo Abshir ayaa noqonaysa guushii uu hayaanka dheer ugu jiray,si uu u buuxiyo booska farshaxanadii ka horeeyey.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments