Xukunka haweenay soomaali ah oo beri maxkamada Oslo looga dhawaaqi doono.

0
104

Xukunka haweenay 31-sano jir soomaali ah oo ku eedeysan isku deyga kamid noqoshada ururka Daacish ayaa beri looga dhawaaqi doonaa maxkamada darajad koowaad ee Oslo.

Xukunka kiiska dacwada haweeneydan ayaa ah mid aad loo wada sugayo, maadaama ay tahay qofkii ugu horeeyay ee dumar ah oo lagu maxkamadeeyo Norway, iyada oo ku eedeysan danbi la xiriira argagaxiso.

Go´aanka ay maxkamada ka gaarto kiiska haweenaydan soomaalida ah ayaa saameyn ku yeelan doono kiisaska kale ee lamidka ah, wuxuuna noqon karaa mid isbadal ku sameeyo fasiraada qeybo kamid ah xeerka ciqaabta Norway.

Haweeneydan ayaa ku eedeysan inay rabtay inay ka baxdo Norway, ayna u safarto dalka Siiriya, si ay halkaas ugula midowdo nin katirsana ururka Daacish oo uu xiriir guur ka dhaxeeyay.

Mid kamid ah qodobada sida gaarka ah isha loogu hayo kiiskan ayaa ah, go´aanka ay maxkamadu ka gaari doonto qodobka ku saabsan in haweenaydan ay xiriir guur la laheyd qof katirsan Daacish.

Xeer ilaalinta kiiska kusoo oogay haweenaydan soomaalida ah ayaa codsaday in lagu xukumo shan sano oo xabsi ah.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments