Sweden: Qof lagu tuhmayo inuu qoxooti jaajuusay oo la qabtay.

0
144

Booliska dalka Sweden ayaa xabsiga dhigay nin 45 sano jir ah oo lagu eedeynayo tuhun la xiriira . Xeer ilaaliyaha kiiska ayaa sheegay in tuhunka basaasnimada ninka uu yahay mid xoogan, sida uu ku xusay galka dacwada ninkan.

Ninkan ayaa arbacadii lagu qabtay magaalada Stockhholm, hase yeeshee maalin ayaa hadana la go´aamiyay in xabsiga lagu sii hayo, inta uu socdo baaritaanka kiiskiisa.

Hans-Jörgen Hanström oo ah xeer ilaaliyaha kiiskan ayaa sidan sheegay.

-Ninkani waxa uu jaajuusay dad qaxootinimo Sweden ku yimid. Hadii aan la xidhin waxaan ka baqaynaa in uu baabi’iyo caddeeymaha lagu hayo, ayuu yidhi.

Ninkan ayaa lagu tuhmayaa inuu danbiga lagu eedeeyay geystay intii u dhaxeeysay 10 april ilaa 30 september ee sannadkii hore. Ciidamada sirdoonka Säpo ayaa diiday in ay warbixin dheeraad ah ka dhiibaan kiiska ninkan, tusaale ahaan dalka uu ka soo jeedo.

Balse waxaa la ogaaday inuu kunoolaa woqootiga dalka Sweden, horeyna uu u galay danbiyo la xiriira ka ganacsiga daroogada.

Xigasho/kilde: Sverigesradio

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments