Oslo: Haweenay Soomaali ah oo xabsi lagu xukumay.

0
80
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Haweenay soomaali ah ayaa maanta maxkamada Oslo ay ku xukuntay xabsi labo sano iyo bar ah, kadib markii lagu helay danbi lagu soo eedeeyay oo la xiriira kamid noqoshada ururka Daacish.

Haweenaydan ayda laga son qabtay dalka Austria sanadkii 2017, iyada oo xiligaas wadatay lacag gaareyso 50.000 oo lacagta Norway ah, Iyo baasaboor faaliso ah.

Haweeneydan soomaalida ah oo Norway magangalyo ka codsatay ayaa maxkamada ka sheegtay inay kusii jeeday dalka Ethiopia, si ay usoo booqato wiil keeda ah oo qaliin marayay. Dhexdana laga soo qabtay.

Xeer ilaalinta danbiga kusoo oogtay haweenaydan soomaalida ah ayaa dhankooda ku eedeeyay inay kusii socotay dalka Siiriya, si ay ula aqal gashao nin katirsanaa Daacish oo ay xiriir guur lahaayeen. Waxaana sidoo kale lagu eedeeyay Inay xiriir la laheyd shaqsiyaad katirsan Daacish oo kunool dhowr wadan oo Yurub ah.

Maxkamada Oslo aaaa maanta haweeneydan ku xukuntay 2 sano ayo bar xabsi ah, inkasta oo xeer ilaalintu ay dalbatay in lagu xukumo shan sano.

Qareenka difaacayay hooyadan soomaalida ah ayaa dhankiisa sheegay inuu ka qanacsanyahay in maxkamadu ay dhintay xukunka xabsiga, kana dhigtay kala bar inta ay xeer ilaalintu maxkamada ka dalbatay.

Haweenaydan ayaa noqon doonto qofkii ugu horeeyay ee dumar ah oo Norway dhexdeeda loogu xukumo danbi la xiriira argagaxiso.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments