Norway: Xiligan ayuu dhaqan gali doonaa xeerka isku heysashada labada dhalasho.

0
145

Baarlamaanka Norway ayaa dhamaadka sanadkii hore meelmariyay xeer ogolaanaya in qofka heysta dhalashada Norway, uu heysan karo ama qaadan karo dhalashada wadan kale.

Dowlada ayaa wixii intaas ka danbeeyay ka shaqeyneysay meelmarinta xeerkaas, iyaga hada sheegay inay xooga saari doonaan in xeerkaas uu dhaqangalkiisu bilowdo wixii ka bilowdo kowda bisha January ee sanadka 2020.

Norway ayaa sheegtay inay codsi badalida xeerka cusub ah u direen hey´adda Yurub ee arintan qaabilsan, waxeyna sheegeen inay u badantahay inay jawaabta heli doonaan bisha desember ee sanadkan 2019. Intaas kadibna uu qorshuhu yahay in xeerka cusub ee dhaqangalo kowda bisha January ee sanadkan 2020.

Qoraalka kasko baxay dowlada ayaa sidoo kale lagu sheegay in qofkii horey ka tanaasulay dhalashada Norway, xiliga u qaadanayay Dhalashada wadan kale, uu mar kale dib usoo codsan karo.

Xigasho*/kilde: Regjeringen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments