Bærum: Gabar soomaali ah oo xisbiga Høyre uga sharaxan golaha deegaanka Bærum.

0
146
Anfac Xaashi Goodir

Xisbiga Høyre, laantiisa magaalada Bærum ayaa dhawaan soo saaray liiska xubnaha sanadkan uga sharaxan doorashada golaha deegaanka. Waxaana markii ugu horeysay liiskaas kasoo muuqday gabar dhalinyaro soomaali ah oo lagu magacaabo Afnac Xaashi Goodir.

Anfac ayaa sida uu xusay wargeyska lokalka ah ee Budstikka, waxey noqon doontaa qofkii ugu horeeyay ee kasoo jeedo Afrika oo kamid noqdo liiska xubnaha u sharaxan golaha deegaanka Bærum.

Anfac X. Goodir oo kamid ah xubnaha aktiv-ka ah ee xisbiga Høyre, laantiisa Bærum ayaa marar badan kasoo muuqatay shaqooyinka uu xisbigaas ka qabto Oslo. Sidoo kale waa ardayad diyaarisa shahaadada masterka, sida uu qoray wargeyska Budstikka.

Siyaasiyadan soomaalida ah ayaa kamid ah dadka kooban ee soomaalida ah ee katirsan xisbiga midigta ee Høyre.

Xigasho/kilde: Budstikka.no


Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments