UDI: Waan ognahay inay jiraan dad u safra dalkii ay sheegeen inay kasoo qaxeen

0
533

Wargeyska Aftenposten ayaa maalmo kahor soo daabacay warbixin ku saabsan inay jiraan dad qoxootinimo kusoo galay Norway, kadibna dalkooda si u safra kadib marka ay helaan ogolaanshaha magangalyada. Maqaalka Aftenposten ayaa warbixintiisa ku lifaaqay tirokoob sheegaya in 24% dadka soomaalida ah ee qoxootinimada kusoo gala Norway ay dalkooda dib ugu noqdaan, halka 12% Ereteriyaanku ay dalkooda dib ugu noqdaan.

Isla Aftenposten ayaa maanta soo daabacay warbixin kale oo ku saabsan inay jiraan dad gaaraya ilaa 13 qof, kuwaas oo lumiyay sharciga magangalyada qoxootiga, kadib markii la ogaaday inay dib ugu noqdeen dalkii ay sheegeen inay kasoo qaxeen. Ama ay qaateen passportka wadanka ay qoxootinimada uga soo carareen, kadib markii la siiyay passportka kumeel gaarka ah ee qoxootinimada.

Dag Bærvahr oo katirsan UDI-da ayaa Aftenposten u sheegay inay ogyihiin inay jiraan dad u noqdo dalkooda, kadib marka ay helaan sharciga magangalyada kumeel gaarka ah, qaarkoodna ay la kulmeen ciqaabo gaari kara in qofka uu lumiyo ogolaanshaha magangalyada qoxootiga. Sidoo kale wuxuu raaciyay inay jiraan sababo kala duwan oo dadka ku qasba inay dalkoodii ku noqdaan, sida xanuun lasoo darsa qof qoyska katirsan ama arimo kale oo qofka u muhiim ah.

Bærvahr ayaa raaciyay inay dadka qoxootiga ah mar walba uga digaan ku noqoshada dalkii ay sheegeen inay kasoo carareen, ayna muujiyaan cawaaqibta ka dhalan karta arintaas, hadii uu qofku dalkiisa dib ugu noqdo.

Wasaarada cadaalada ayaa wareegto ay soo saartay sanadkii 2016 UDI-da ku amartay inay qiimeeyaan kala noqoshaha sharciga magangalyada qofka ay cadaato inuu u safray dalkii uu sheegtay inuu kasoo qaxay.

Xigasho/kilde: Aftenposten.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments