fredag, mars 29, 2024

(Maqaal)- Mohamed Cabdulkadir: Nagala soo qeybgala shirweynaha ka tashiga aayaha jaaliyada soomaaliyeed ee Norway

Ugu horayntii waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed ee Norway, waxaana ilaahay ka rajaynayaa inuu sanadkan cusub ee 2019 uu ka dhigo sanad horukac iyo isku duubnaan u leh somalida dalkaan iyo geeska afrikaba.

Wadankan Norway waxaan ka bilawnay bilawgii sanadkii 2018 dadaal dheer oo aan ugu jirnay laba arimood oo muhiim u ah soomaalida Norway, kuwaas oo kala ah:

  • In soomalida xuquuqdooda la ilaaliyo, isla markaana inaan si fudud loo banaysan iyo inay noqdaan dad ka qayb qaata isdhexgalka wadankaan sida ugu wanaagsan.Iyo Inaan midayno somalida Norway oo u jihayno waxa dantoodu ku jirto taas oo muddo badan lagu guulaysan waayay.
  • Bilawgii sanadkii lasoo dhaafey, gaar ahaan bishii January 2018 waxaan isugu yeernay siyaasiyiinta somaliyeed ee dalkaan Norway, waxaana hordhignay habka wax looga qaban karo xaaladaha soomaalida hortaagan dalkaan. waxaan ka dhagaysanay talooyinkooda iyo aragtidooda, waxaana yimid siyaasiyiinta somalida ee Norway.
  • February 2018 waxaan kulan la qaadanay Wasiirka isdhexgalka Bulshada waxaana horgaynay caqabadaha hortaagan isdhexgalka bulshada dhanka soomalida marka aan u hadlayno.
  • Bishii March waxaan bilawnay dadaal aan u galnay in la helo jaaliyad Soomaaliyeed oo u adeegta bulshada soomaaliyeed ee Norway, taasoo aan samaynay xog uruurino sababaha ay u dhismi wayday jaaliyad soomaaliyeed ee dalkaan 18 sano ee la soo dhaafay.
  • April waxaan kulan la qaadanay madax ka socotay hey´adda UDI-da, waxaana u bandhignay dhibaatada soomaalida kasoo gaarta sharciyada kala duwan oo ay u adeegsadaan soomaalida, gaar ahaan qoxootiga iyo dadka wadanka ku cusub.
  • 15 June 2018 waxaan dhisnay hogaan uu yeeshay urur aan ugu magacdarnay ururka jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaan Norway, horayna ugama aanaan dhawaaqin guddiga jaaliyada waxaana wadatashi balaaran la samaynay bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxaan xiriir la samaynay warbaahinta Norway qaybaheeda kala duwan ayadoo aan gaarsiinay isbedelka dhacay.
  • July 2018 waxaan kulan la qaadanay hay’adda ugu saraysa dalkaan marka laga hadlayo cabashada xadgudubyada waxaanan u gudbinay xaalada soomaalida. Sidoo kale waxaanan u qabanay Somalida Programo kala duwan gudaheeda.
  • August 2018 waxaan la soo saarnay warbixin ururada NOAS, Reddbarn iyo FO, kuwaas oo ah ururada ugu caansan ee soo galootiga u dooda dalkaan Norway. Warbixintaan waxay ahayd midii ugu horaysay ee hab dhamaystiran loo soo gudbiyo, kana hadlaysa dhibaatada soomaalida lagu hayo.
  • September 2018 waxaan la bilawnay xog uruurin labaad machadyada ISF iyo PRIO taasoo aan soo gaba gabayn doono April 2019.
  • Dhamaadkii bishii September 2018 waxaan isugu yeernay jaaliyada Soomaaliyeed ee Norway casho sharaf aan u samaynay waxaan usoo gudbinay halka wax marayaan waxaana ka dhagaysanay talooyinkooda iyo tusaalahooda.
  • Bishii November waxaan sameynay gudi matala, si wadar ahna ugu dooda xuquuqda 1600 soomaalida ah ee UDI-du ay sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonaan sharcigooda magangalyada.
  • December 2018 waxaan kamid aheyn dad kulan la qaadanay dawlada Norway wasiiro ka mid ah, taasoo aan kala hadalnay caqabadaha na hortaagan soomaalida dhanka shaqada, waxbarashada iyo isdhexgalka bulshada sidoo kale waxaan keenay .
  • Sidoo kale waxaan wadnay dadaalo hoose oo aan xiriir kula sameyneyno warbaahinta Norway, si aan ugu gudbino cabashadeena. Wargeyska Aftenposten iyo NRK ayaa dhowr mar
  • 2019 waxaan wadnaa qorshe shirwayne aan dhamaan jaaliyada soomaaliyeed isugu yeeri doono taasoo aan ugu talo galnay inaan ku soo bandhigno guddigii jaaliyada u shaqayn lahaa labada sano ee soo socda iyo qorshihii aan ku shaqayn lahayn 2019. Waxaan casuumaad u fidin doonaa dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaalida ah ee ku dhaqan Norway, waxaana codsaneynaa in aan loo kala harin shirkan aan ugu magac darnay aayo ka tashiga jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.
  • Waxaan casuumaad u fidinay dowlada Norway, gaar ahaan wasaaradaha ku shuqul leh arintan, waxeyna naga balan qaadeen inay nagala soo qeybgali doonaan, ayna dhageysan doonaan talooyinkeena. Waxaana heysanaa fursad aan warkeena ku gaarsiino bulshada Norway.

Somalida Norway waa isku dan waa bulsho u baahan inay u midoobaan dantooda ugana soo wada jeestaan hal meel ah caqabadaha hortaagan. Wada shaqayn wacan.

W.Q: Mohamed Cabdulqaadir, Gudoomiyaha ururka jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x