Canada: Waxaan qaadan doonaa sadex milyan oo qoxooti ah

0
108
Ahmed Hussen(dhexda) Justin Trudeau (Midig)

Baarlamaanka dalka Canada ayaa ansixiyay qorshe dalkaasi uu magangelyo ku siinayo in ka badan hal milyan oo qof saddexda sano ee soo socota. Tiradaas oo u dhiganta 1% dadka daggan dalka Canada.

Tiradan oo ah ku dhowaad boqolkiiba hal dadka ku nool wadanka Canada ayaa dad kabadan 286,000 waxa ay dowlada Canada siisay sharci sanadkii 2017ka waxaana la filayaa in dad gaaraya 350,000 ay sharci degenaansho helaan sanadkan.

Wasiirka socdaalka iyo magangalyada dalka Canada, Axmed Xuseen ayaa yiri “Dadka cusub ee aannu kusoo dhaweynay dalka Canada waxay horseedeen horumarka Canada iyo nolosha aannu heysanno,” ayuu yiri wasiir Axmed.

Wasiirk oo shaqsi ahaantiisa ah nin horay uga hayaamay Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay in qul-qulka dadka qaxootiga ah uu xal u noqon doono mushkiladda gabowga ee ka jirta dalka Canada sidoo kalena uu sare u qaadayo tirada carruurta ku dhalata dalka iyo koboca dhaqaalaha.

Go’aanka dowladda Canada ee lagu soo dhaweynayo dadka soo galootiga ah ayaa kusoo beegmaya xilli dalal badan oo reer galbeed ah oo uu Mareykanku ka mid yahay ay soo rogeen siyaasado qallafsan oo lagu xakameynayo dadka soogalootiga ah.

Laanta hay’adda Qaramada u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in sanadkii lasoo dhaafay qulqulka dadka qaxootiga uu gaaray heerarkii ugu sarreeyay, waxaana xusid mudan in wasaaradda socdaalka iyo arrimaha qaxootiga ee dalka Canada oo gacan ka geysanaysa arrimaha qaxootiga ayaa ballan qaadday in ay ku deeqeyso 5.6 milyan oo dollar oo loogu tala galay dib u dajinta dadka qaxootiga ah.

Xigasho/kilde: Halbeeg

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments