(Dhageyso-Wareysi BBC): Wel-wel xoogan oo soo foodsaaray soomaalida kunool Denmark

0
104

Hey´adda socdaalka iyo agaasinka soo galootiga dalka Denmark ayaa sheegtay inay magangalyada ka ceshatay ilaa kun qof oo soomaali ah, kuwaas oo ay ku wargalisay inay dalkoodii ku noqdaan. Dadkan ayaa badankooda heysta sharciyo magangalyo kumeel gaar ah, iyaga oo aan wali helin degenaanshaha rasmiga ah.

Hey´addaha xuquuqda aadanaha ayaa dowlada Denmark uga digay inay ku dhaqaaqdo talaabadaas, waxeyna Denmark u sheegeen in Soomaaliya aysan xiligan aheyn meel dad lagu celi karo.

Arintan ayaa abuurtay wel-wel soo foodsaaray soomaalida dalkaas, iyada oo jiraan kumanaan kale oo qof oo soomaali ah oo ku dhiban sharciyada dalkaas. Zahro Maxamuud Cali oo ah wariye Soomaali ah oo degan dalka Denmark ayaa idaacada BBC, laanteeda afka soomaaliga wareysi ka siisay xaalada iyo wel-wel soo wajahay soomaalida dalkaas.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments