(TV2)Qareenka Abiib: Waxaan dowlada uga fadhinaa inay mahad u tarxiilaan Jabuuti

0
213
Humlen
Humlen

Maxkamada racfaanka ayaa arbacadii lasoo dhaafay soo saartay go´aan ay ku diideyso racfaankii uu Mahad Abiib ka gudbiyay go´aanka maxkamada hoose ee Oslo.

Maxkamada racfaanka ayaa si lamid ah mida hoose ee Oslo go´aankeeda ku sheegtay inay u badantahay in Mahad Abiib uu kasoo jeedo dalka Jabuuti, iyaga oo qodobo badan ku raacay hey´adda UNE oo kiiska dacwada kaga timid Abiib.

Qareenka Mahad Abiib, Arild Humlen ayaa soo bandhigay cadeymo dhowr ah oo cusub, kuwaas oo maxkamada racfaanku ay sheegtay ineysan wax ka badalin go´aanka maxkamada hoose ee Oslo.

Humlen ayaa sheegay inuu ka xunyahay in maxkamadu ay xooga saarin cadeymaha cusub oo ay soo bandhigeen, isaga oo raaciyay inuu soo bandhigay cadeymo xoogan oo wax ka badali kara aragtida maxkamada ee kiiskan.

Georg Magne Rønnevig oo katirsan UNE ayaa TV2 u sheegay in go´aanka maxkamada ee kiiskan uu yahay mid qeexan, ayna maxkamadu cadeysay in Abiib uu kasoo jeedo Jabuuti, uuna kasoo jeedin Soomaaliya.

Arild Humlen ayaa sii raaciyay in maadaama ay maxkamadu go´aankeeda ku sheegtay inay u badantahay inuu Jabuuti kasoo jeedo, uu dowlada uga fadhiyo in Mahad Abiib ay u tarxiilaan dalka ay sheegeen inuu kasoo jeedo ee Jabuuti.

Dowlada Jabuuti ayaa dhankeeda horey u cadeysay  in Mahad Abiib uusan aheyn muwaadin u dhashay dalkeeda.

Georg Magne Rønnevig oo katirsan UNE ayaa sheegay in arintaas ay tahay mid u taalo booliska Norway, qeybtooda ka shaqeyso arimaha soo galootiga.

Xigasho/kilde: TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments