Sweden: Xisbiyo ku guuldareystay joojinta sameecada adaanka masjid Sweden kuyaal

0
128
Masaajid Sweden Foto: Leo Sellén

Xisbiyada SD iyo KD ayaa ku guuldareystay markii labaad soo jeedin ah in la joojiyo aadaanka dheer ee sameecada masaajid kuyaal degmada Karlskrona ee dalka Sweden.

Xisbiga SD ayaa soo jeedinta ka gudbiyay maamulka masaajidka, wuxuuna sabab uga dhigay in aadaanka luuqad aan Swedish aheyn lagu adimiyo, uusan aheyn wax caado ahaan laga dhex yaqaan bulshada Sweden.

Maamulka masaajidka Karlskrona ayaa sheegay in aadaanka uusan wax dhibaato ah ku heyn bulshada kunool hareeraha masaajidka iyo guud ahaan magaalada. Maamulka masaajidka ayaa markale ku guuleuystay in maamulka magaalada ay sii ogolaadaan in masaajidkaas uu ku adimo sameecad dheer xiliga salaadaha.

Xigasho/kilde: Radiosverige, qeybta soomaaliga 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments