Booliska Oslo: Waxaan fiirin doonaa kiiska Keshvari oo lacagta safarada beenta ah kaga qaatay baarlamaanka

0
172
Foto: Stillebilde/Youtube

Maalintii shaley aheyd, wargeyska Aftenposten ayaa soo bandhigay warbixin fadeexad ah oo sheegeyso in Mezyar Keshvari oo katirsan xisbiga Frp, kana mid ah xubnaha baarlamaanka uu lacag gaareyso ilaa 290.000 uu ku qaatay safaro aan jirin ama aan cadeyn loo heynin.

Keshvari ayaa baarlamaanka u gudbiyay inuu ku maqnaa safaro Oslo banaankeeda ah, wuxuuna sidaas ku helayay lacago gunooyin safar ah, balse Aftenposten ayaa soo bandhigtay sawiro iyo cadeymo muujinaya in Keshvari uu Oslo ku sugnaa xiliga uu sheegtay inuu safar ku maqnaa.

Booliska Oslo ayaa maanta sheegay inay fiirinayaan inay baaritaan ku sameeyaan arinta ay Aftenposten soo dhigtay. Waxeyna raaciyeen inay baaritaan ku sameyn doonaan cadeymaha lasoo bandhigay, iyaga oo sheegay inay baarlamaanka ka heleen ogolaansho ah inay helaan cadeymaha arintan.

Rune Skjold oo ah madaxa booliska Oslo, qeybtooda qaabilsan danbiyada la xiriira lacagta ama dhaqaalaha ayaa sheegay in arintan ay noqon karto kiis fal danbiyeed khiyaano dhaqaale.

Xigasho/kilde: Dagsavisen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments