Dowlada Norway oo iska fogeysay in celinta qoxootiga soomaalida ay ku jabineyso xeerarka qoxootiga caalamiga ah

0
90
Wasiirka cadaalada Norway: Tor M. Wara Foto: First House

Dhowr urur oo ah ka shaqeeyo arimaha qoxootiga ayaa isbuucii hore soo saaray bayaan ay ku sheegayaan in dowlada Norway ay baal-mareyso xeerarka qoxootiga, kadib markii ay 41 qof oo soomaali ah ay ka ceshteen magangalyada qoxootiga oo markii hore la siiyay. Halka ay dowlada Norway wali ka baaraan dageyso kiisaska dad ka badan 1000 qof, kuwaas oo ay sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyadooda.

Ururka magangalyo doonayaasha Norway ee NOAS ayaa warbixin uu soo saaray ku dhaleeceeyay dowlada Norway in soomaalida heysta qoxootiga kumeel gaarka ah ay ka hor istaagantahay inay wadanka si fiican ula qabsadaan, ayna kamid noqdaan bulshada, maadaama aysan hubin mustaqbalkooda wadankan Norway. Waxeyna warbixintooda ku eedeeyeen dowlada Norway inay jabineyso xeerarka qoxootiga caalamiga ah ee qofka siiya magangalyada iyo degenaanshaha.

Dowlada Norway: Majirto sharci aan jabinay

Aleksander Sveen oo ah siyaasi katirsan Frp, wasiiro-dowlana ka ah wasaarada cadaalada ayaa wakaalada wararka Norway ee NTB u sheegay inaysan jirin sharci ay dowlada Norway, hadii qoxootiga aan u baahneyn magangalyada ay dalkoodii ku celiso. Wuxuuna raaciyay in hadii ururadaas aysan dowlada ku raacsaneyn go´aankaas, uusan ka dhigneyn inuu yahay mid lagu jabinayo xeerarka caalamiga ah ee qoxootiga.

Ururka NOAS ayaa dhankooda calaamad su´aal saaray xaalada amaan ee magaalada Muqdisho, qaabka ay dowlada Norway rabto inay u maareyso xaalada dadkaas iyo inay suurtogal tahay in xiligan dad lagu celiyo Soomaaliya.

Xigasho/kilde: Nettavisen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments