Dowlada Mareykanka oo magangalyo kumeel gaar ah siisay ku dhawaad 500 oo soomaali ah

0
97
Foto:Jim Mone/AP

Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ee Homeland Security ayaa u ogolaatey ku dhowaad 500 oo Soomaali ah in loo cusbooneesiiyo sharciga TPS-ka loo yaqaanno, oo ah sharci kumeel gaar ah oo badbaado siinaya qaxootiga Mareykanka ku nool ee aanan haysan sharciga degenaanshaha.

Go´aankan ayaa u saamaxaya boqolaalkan ruux ee soomaalida ah inay sharci ku joogaan, kagana shaqeystaan gudaha dalweynaha Mareykanka.

Shantan boqol ee Soomaalida ah ayaa horey ugu joogay waddankan isla sharcigan TPS-ka, oo ah sharci joogitaan ku-meel gaar siinaya qaxootiga Soomaaliyeed ee aanan sabab amni awgeed dalka Soomaaliya dib loogu celin karin.

Muddo badan ayaa laga cabsi qabay in maamulka Trump uu dib ugu cusbooneysiin waayo sharciga, taasi oo horseedi laheyd in Mareykanka laga masaafuriyo.

Go’aankan ayaa waxaa soo dhoweeyey hay’adaha u dooda xuquuqda qaxootiga iyo sharci-dejiyaasha Mareykanka ee wadey ololaha ah in dadka dib loogu cusbooneysiiyo sharciga.

Xigasho/kilde:The Gurdian

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments