Daraasad: UDI-da oo lagu dhaleeceeyay qaabka ay u adeegsato Macluumaadka Facebooga, marka ay sharciga dadka kala noqoneyso

0
173

Daraasad cusub oo lagu sameeyay kiisaska ku dhawaad 100 qof oo ay hey´adda socdaalka iyo agaasinka soo galootiga dalkan Norway adib ugala noqotay sharciyada dal ku jooga, ayaa UDI-da lagu dhaleeceeyay qaabka ay u baarto, una adeegsato macluumaadka ay ka helaan baraha bulshada, gaar ahaana Facebooga. Halkan ka akhri rapportka daraasadan oo dhameystiran.

Daraasadan cusub oo dhawaan soo baxday ayaa waxaa sameeyay xarunta cilmibaarista bulshada ee Institutt for samfunnsforskning (ISF), waxeyna cilmibaarayaashu darseen kiisaska 72 qof oo ay UDI-da dib uga ceshatay sharciga magangalyada. Waxeyna sheegeen in 20 kamid ah dadkaas macluumaadka Facebooga laga helay ay kamid ahaayeen macluumaadka ay qiimeeyeen.

Cilmibaarayaasha ayaa warbixinta daraasadan ku tibaaxay in kiisaska qaarkood macluumaadka laga helo Facebooga ay tiir-dhexaad u ahaayeen sababta keentay in qofka uu waayo magangalyadiisa. Halka kiisaska qaarna ay UDI-da Macluumaadka Facebooga ay ku xoojisay macluumaad kale oo ku saabsan meesha uu qofka u diro lacagaha iyo lahjada uu ku hadlo.

Cilmibaarayaasha ayaa su´aal ka keenay sax ahaanta macluumaadka ay dadku soo dhigaan baraha bulshada, waxeyna UDI-da ka codsadeen inay sameeyeen shuruuc ku aadan adeegsiga macluumaadka uu qofku soo dhigo baraha bulshada. Waxeyna raaciyeen inay muhiim tahay in la ilaaliyo xuquuqda shaqsiyeed iyo tan gaarka ah ee qofka ajnabiga ah, aana la galin khalkhal. Iyaga oo sidoo kale sheegay in waxyaabo badan oo dadku ay baraha bulshada ay soo dhigaan aysan aheyn kuwo sax ah.

UDI-da ayaa dhankooda sheegay inay iyagu dalbadeen warbixinta cilmibaarista, ayna rabaan inay wax ka bartaan kiisaskii hore, si loo helo qiimeyn sax ah oo ku aadan macluumaadka ay helaan.

UDI-da ayaa sidoo kale sheegay inay furi doonaan in dib u eegis guud lagu sameeyo qaabka ay u adeegsadaan macluumaadka baraha bulshada.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments