(Maqaal): Bedel Fekerkaaga Si Ficilkaagu Isu Bedelo, Natiijaduna Isu Bedesho!

0
192
Abdijibaar Ahmed: Qoraha maqaalkan

Anigoo raba inaan qoraalkeyga kusoo koobo macnayaal gaagaaban, ayaan waxaan kuu shegayaa sidda kali aad guul fiican ku gaari karto waa inaad leedahay hadal cad. Waxaa la sheegaa dadka aanan hadafka iyo ula jeedba lahayn waxay u shaqeeyaan dadka ula jeedka iyo hadafka leh.

Tusaale ahaan: Haddii asxaabtaada ama saaxibadaada ay yihiin kuwa hadaf iyo aragti quman leh adigana aad ku dhex-jirto wax hadafna aadan lahayn, waxaad noqonaysaa shaqsi markii loo yeerto imaani karaayo, hawshii iga caawi la yiraahdana ka caawini karo, sawabtoo ah meel aad u socoto ma taqaanid, hadafna ma lihid waana sawabta aad ugu shaqeynayso qof hadaf leh. Hadaba aqristoow aan ku siiyo talo wanaagsan ee ma iga qaadanaysaa!

Waxaan u malaynayaa inaad ogtahay taladii ku habboonayd inaad qaaddo 10 jirkaaga, maalintaad 30 jirsatay qaadashadeedu yeelan mayso nuxurkii ay yeelan lahayd waagii horre. Sidoo kale tan maanta ku habboon inaad qaadato dib u dhiggeedu waa dhaawac kugu yaal.

Xaaji Aadan Axmed “Afqalooc” Allaha u naxariistee ayaa tix uu ku muujinaayo sida ay muhiim u tahay in maalinta aad joogto waxqabadka ku habboon yahay wuxuu yiri

Seben tegay mid wali soo socda iyo saaka waxaa jooga, Saddexdaas waqtaa xaal adduun lagu sifeeyaaye, Soo noqod ma jiro shalay wixii saarufoo tegaye, Waxa saadameetiyo berina waa su’aal maqane, Waxay taladu kuu suuban tahay subaxaad joogtaaye”

Ogaaw! Inta aad nooshahay waxa ugu weyn oo horumar ama dib u dhac ku geyaysiiya waa sidda aad u fekerayso. Fekerka ayaana shukaan kuu noqon kara kuguna aadin kara jihada aad arabto.

“Hubi in fekerkaagu kuu jihaynaayo siddii aad ku gaari lahayd himiladaada.”

Sawabtoo ah maskaxda bini’aadamka waa mashiin maalintiiba ay ka soo baxaan fekrado kala duwan oo aan tira lahayn.

Sideedaba feker iyo talo kasta waxay ku habboon yihiin waqti oo haddii mar taladu ku dhaafto oo sidii ku habboonayd aadan u fekerin waxaa hubaal ah in waqtigaas wixii aad qaban lahayd oo ku habboonaa uu yahay mid kaa tegay. Waxaana shaki jirin haddii aan doonayno inaan bedelno nolosheena waa inaan bedelnaa sidda aan u fakirno “Bedel fekerkaaga si ficilkaagu isu bedelo natiijaduna isu bedesho”

Ogaaw! macna ma samaynayso in aad joogtayso kuna negaato hawl natiijada kasoo baxaysaa aysan ahayn middii aad rabtay. Waxaana la yiraahdaa ‘waalida macnaheedu waa qof samaynaya wixii uu sameyn jiray una samaynaya sidii uu u samayn jiray isaga oo rajaynaya in natiijo tii hore ka duwani ka soo baxdo’.

Albert Einstein ayaa mar wax laga waydiiyay dhaqaale xumo adduunka ka jirtay qarnigii 20aad qaybtiisii hore iyo sida looga bixi lahaa, wuxuu ku jawaabay kuma xallin karno dhibaatooyinka ina haysta innagoo adeegsanayna isla fekerkii aynu qabnay markii aynu dhibaatooyinka abuurnay

Hadalkaas wuxuu muujinayaa in dhibta qofka haysata aan lagu xallin karin caqligii iyo cilmigii uu qofku horey u lahaa, balse loo baahan yahay caqli iyo cilmi hor leh. Cali iyo cilmi hor lehna suurtagal ma aha illaa aad maskaxdaada u furto xog ama warbixin hor leh. Haka yaabin in ay noloshaada isbedesho adiga oo maskaxdaada aan u furin xog ama warbixin hor leh oo aad ku xaliso arrimaha taagan iyo adiga oo aan maskaxdaada ka xirin, kana illaalin wixii aan waxba kuu taraynin oo aad ogtahay sheeko ama shaahid in aadan meel ku gaarayn.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments