Ardeyda soomaalida ah ee jaamacada Stavanger oo kaalinta koowaad ka galay bandhig-dhaqameed

0
223

Ardeyda soomaaliyeed ee dhigata jaamacada Stavanger ee magaalada Stavanger ayaa kaalinta koowaad ka galay bandhig lagu soo bandhigayay dhaqamada dalalka Afrika, kaas oo isbuucii hore ka dhacay jaamacadaas.

Gudiga abaal-marinta iyo qiimeynta bandhigan ayaa ardeyda soomaalida ah ku amaanay soo bandhigista alaabaha hiddaha iyo dhaqanka soomaalida, iyo cuntooyinka ay caanka ku yihiin. Waxeyna qireen in ardeyda soomaalida ah ee jaamacada Stavanger ay howl culus iska saareen soo bandhigista quruxda dhaqanka qowmiyada soomaalida.

Cabdirahmaan Cumar oo kamid ah ardeyda soomaalida ah ee bandhigaas qeybta ka ahaa ayaa NorSom News u sheegay inay soo bandhigeen alaabaha hiddaha iyo dhaqanka soomaalida oo ay kamid yihiin Gambar, xeero, dhowr nooc oo dhiil ah,  daqbaad(idin), kal iyo mooye iyo dharka ay soomaalida hiddaha iyo dhaqanka u leeyihiin. Ayna soo bandhigeen cuntooyinka ay soomaalidu caanka ku tahay.

Cabdirahmaan ayaa u mahadceliyay ardeydii bandhiga kala qeybqaatay iyo dadkii qeybta ka ahaa bandhigan sababay inay kaalinta koowaad galaan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments