Oslo: Wiilka soomaaliga ahaa ee Holmalia qofka ku dhaawacay oo booliska isku soo dhiibay

0
156
Foto: Politiet

Sida ay shaley galabkii booliska Oslo u xaqiijiyeen warbaahinta, waxaa xaley fiidkii booliska isku soo dhiibay Assad Abdulle Ceyduruus oo ah 21 sano jir soomaali ah, kaas oo ay boolisku sheegeen inuu ka danbeeyay falkii Talaadadii lasoo dhaafay xaafada Holmlia lagu dhaawacay 18-jirka soomaaliga ah.


Booliska ayaa sheegay inay ku raad-joogeen wiilkan soomaaliga ah oo dhashay sanadkii 1997, ayna warbixintiisa u gudbiyeen booliska wadamada kale ee caalamka, si looga saacido soo qabashadiisa. Waxeyna sawirkiisa iyo magaciisa ku faafiyeen warbaahinta iyo meelaha lagu wada xiriiro, iyaga oo codsanayay in warbixinadii lala wadaago.

Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in 21-jirkan soomaaliga ah ay kusoo eedeyn doonaan gal dacwadeed isku day dil ah, waxeyna sheegeen inay rabaan in si kumeel gaar ah loo xiro afar isbuuc.

Wali faah-faahin dheeri ah boolisku kama aysan bixin sababta ka danbeyso falka ay isku dhaawaceen labadan wiil ee dhalinyarada soomaalida ah, iyaga oo ku gaabsaday oo kali ah inay jiri karaan dhacdooyin hore oo ay arintan xiriir la leedahay. Waxeyna raaciyeen inay horey u yaqaaneen 21-jirka soomaaliga ah ee hada ku eedeysan falkan isku dayga dilka ah.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no, NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments