Haweeney soomaali ah oo ku eedeysan isku day kamid noqoshada ururka Daacish

0
206

Haweeney soomaali ah oo ah hooyo heysato shan caruur ah ayaa lagu soo eedeeyay dacwad danbiyeed ku saabsan isku dayga kamid noqoshada urur argagaxiso ah. Waxeyna noqoneysaa haweeneydii ugu horeysay abid ee Norway lagu eedeeyo kamid noqoshada urur argagaxiso, sida uu qoray wargeyska Aftenposten.

Haweeneydan soomaalida ayaa dhamaadka sanadkii hore ay heyádda sirdoonka dalkan Norway ka qabatay garoonka diyaaradaha Oslo, waxeyna ilaa intaas kujirtay xabsiga, iyada oo aan wali lasoo taagin wax maxkamada ah. Hada ayaa lagu soo eedeeyay danbigan isku deyga kamid noqoshada ururka Daacish.

Mobilka gacanta ee haweeneydan ayaa la sheegay in laga helay qaabka loo diyaariyo qaraxyada, iyo warqada diiwaan galinta usoo guuritaanka dhulka ay ka taliso Daacish.

Haweeneydan soomaalida ah ayaa la sheegay inay xiriir la laheyd nin soomaali ah oo maalmo kahor ay maxkamad london kutaal ku xukuntay sideed sano oo xabsi ah. Sida uu NRK qoray Ninkan ayaa fariin u diray haweeneydan maalinta la qabtay, isaga oo u sheegay inuu rajeynayo inay noqdaan kuwo farxada qeybsada geerida kadib.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments