Germany: Haweenay lagu heysto musuq-maasuqa 1200 qof oo magangalyo Germany laga siiyay, iyaga oo aan shuruudaha buuxin

0
81

Haweenay katirsaneyd madaxda heyádda socdaalka dalka Germany ee BAMF ayaa lagu oogay dacwad la xiriirta inay musuq-maasuqday bixinta magangalyada ilaa 1200 qof, kuwaas oo la sheegay inay magangalyo heleen, iyaga oo aan buuxin shuruudihii looga baahnaa.

Haweenaydan ayaa madax ka aheyd xafiiska laanta socdaalka ee magaalada Bremen oo kutaal woqooyiga Germany. Waxaana hada lagu soo oogay dacwad danbiyeedyo ay kamid yihiin musuq maasuq iyo laaluush qaadasho.

Isku dar ilaa lix qof ayay boolisk uga shakisanyihiin inay arintan ku lug lahaayeen, iyada sadex kamid ah ay yihiin qareeno, waxaana sidoo kale dadka laga shakisanyahay kujiro qof turjubaan ah.

Kiisaska ugu badan ee laga shakisanyahay in sida musuq maasuqa ah lagu bixiyay sharciga, ayaa ku saabsan dad kasoo jeedo qowmiyada loo yaqaan Yiziidiyiinta ee kunool dalalka Ciraaq. Kuwaas oo baro-kicin kala kulmay ururka sheegta qilaafada islaamka ee Daacish.

Booliska ayaa arintan dabo-gal ku hayay mudo bilo ah, waxeyna sheegeen in kiisaska qaarkood loo soo wareejiyay magaalada Bremmen, si halkaas si fudud oo baaritaan la´aan ah looga shaqeeyo, laguna bixiyo sharciga magangalyada.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments