Wasiirka kumeel gaarka ah ee cadaalada oo horey buug uu qoray been uga sheegay qoys soomaali

0
112
Foto: Youtube

Soo galooti badan oo Norway kunool ayaa shaley ku faraxsanaa in xilkii wasiirnimo ay ka dagtay Sylvi Listhaug oo labadii sano ee ugu danbeeyay wadno qabad ku noqotay bulshooyinka soo galootiga ah ee dalkan kunool, gaar ahaan dadka qoxootiga ah.

Is casilaada Listhaug kadib, waxaa si kumeel gaar ah xilka wasiirka cadaalada loogu dhiibay, Per Sandberg oo ah wasiirka kaluumeysiga Norway, ahna gudoomiye ku xigeenka xisbiga xagjirka ah ee FRP.

Per Sandberg  ayaa ah siyaasi ah ku caan ah mayal adeyg iyo hadal qalafsanaan, waxaana horey loogu xukumay gacan qaad uu u geystay shaqsi qoxooti ah oo Norway ku cusbaa. Inta aysan Sylvi Listhaug soo bixin, wuxuu Per ahaa qofka loogu hadalka badanyahay warbaahinta Norway, marka ay noqoto hadal qalafsanaanta.

Warbaahinta Norway ayaa shaley markii ninkan loo magacaabay wasiirka cadaalada bilaabay inay soo bandhigaan hadalo uu horey warbaahinta uga sheegay ama uu u qoray.

Buug uu Per Sandberg qoray sadex sano kahor ayuu ku sheegay inuu jiro nin soomaali ah oo Norway ugu dacwooday sadex xaas iyo 22 caruur ah oo ay dhaleen. Wuxuuna raaciyay in maamulka degmada tuulada ay qoyskan degenaayeen ay ku qasbanaadeen inay iskuul gaar ah dhisaan, si boosas waxbarasho loogu helo caruurta qoyskan.

Baaritaan kadib waxaa gadaal laga ogaaday in sheekadaas uu wasiirka kumeel gaarka ah ee cadaalada Norway uu buugiisa ku qoray ay aheyd mid aan sax aheyn.

Per Sandberg ayaa xilkan sii heyn doono inta laga soo magacaabi doono wasiir cusub oo booska kala wareego, mana cad in isagu uu booskaas sii heyn doono iyo inkale.

Xigasho/kilde: Dagsavisen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments