Sweden: Maxaa lagu xukumay ninkii gubay masaajidka weyn ee Örebro

0
132

Waxaa dhawaan lasoo gaba-gabeeyay dhageysiga dacwad ka dhan ah nin labaatameeyo sano jir Swedish ah, kaas oo bishii September ee sanadkii hore dab qabadsiiyay masaajidka Örebro.

Eedeysanahan ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta inuu si ula kac dab u qabadsiiyay masaajidka, dabkaas oo boolisku ay horey u sheegeen in ujeedkiisu uu ahaa in dad lagu dilo.

Maxkamada magaalada Örebro ayaa ninkan ku xukuntay in lagu hayo  isbitaalka dadka maskax ahaanta u xanuunsan, iyada oo horey loo sheegay in ninkan uusan maskax ahaan dhameystirneyn, kadib tijaabo dhinaca caafimadka maskaxda ah oo la mariyay.

Xukunka maxkamada ayaa sidoo kale shuruudo adag ku xirayo in ninkan uu kasoo baxo goobta lagu heyn doono ee isbitaalka dhimirka.

Masaajidka uu ninkan dabka qabadsiiyay ayaa ku yaal xaafada Vivalla ee magaalada Örebro, wuxuuna dabkaas masaajidka gaarsiiyay dhaawacyo waaweyn.

Madaxda ururada islaamiga ah ee dalka Sweden ayaa sidoo kale horey dowlada Sweden uga codsaday in la adkeeyo ilaalada masaajidada iyo goobaha cibaadada dadka muslimiinta ah, maadaama ay bateen weerarada ka dhanka goobahaas.

Xigasho/kilde: Radio-Sverige.se

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments