Dugsiga sare(VGS) ee Urtehagen iyo barnahagaha islaami ah ee Urtehagen

0
188

Urtehagen waa iskuul sare oo hal sano socdo, isla markaana loogu tala-galay dadka ay ka daahday waxbarashada ee raba inay waqti kooban ku bartaan maadooyinka muhiimka ah ee dugsiga hoose, dhexe iyo sare, si uu qofku u noqdo mid isku filan aqoon ahaan. (Daawo muuqaalka hoose).

Urtehagen VGS  wuxuu hoos tagaa hey´ada Urtehagen stiftelse oo sidoo kale maamusho barnehageyaal islaami ah oo kuyaal magaalada Oslo. Xarumahaas oo ah kuwo dowlada ka diiwaan-gashan, isla markaana ku dhisan mabda ´islaami ah.  (Daawo muuqaalka Hoose)

Urtehagen VGS wuxuu ka diiwaan-gashanyahay dowlada Norway, qofkii dhigtana wuxuu si lamid ah iskuulada kale helayaa lacagta taageerada dhaqaale oo ay dowladu siiso ardeyda(Stipend). Qofkii heysto caruur, wuxuu sidoo kale helayaa taageero dhaqaale oo dheeri ah. (Daawo muuqaalka Hoose)

Ardeyda dhameysa Urtehagen waxaa sidoo kale gacan laga siiyaa sidii ay u heli lahaayeen shaqo ama ay usii wadan lahaayeen waxbarashada qeybaheeda kale.(Daawo muuqaalka Hoose)

80% ardeyda dhigata waa Soomaali:

Urtehagen Skole wuxuu kuyaalaa bartamaha magaalada Oslo, gaar ahaan xaafada ay soomaalidu ku badantahay ee Grønland. 80% ardeyda dhigata Urtuhagen VGS waa soomaali, halka caruurta badan ee dhigata xarumaha xanaanada Urtehagen ay yihiin Soomaali.  (Daawo muuqaalka Hoose)

Urtehagen kala xiriir: 

Dugsiga sare ee halka sano ah: 22 05 78 44

Adresska: Motzfeldts gate 1, 0187 Oslo

Burco: Xarun lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ah.

Hey´ada Urtehagen Stiftelse waxey sidoo kale xarun weyn oo lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ah ay ku leeyihiin magaalada Burco. Waxaana halkaas lagu daryeelaa caruur badan oo agoon aan waxbo heysan ah. (Daawo muuqaalka Hoose)

Waxey sidoo kale ka qeybqaateen gurmadkii abaaraha ee koonfurta Soomaaliya iyo daryeelka dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin. (Daawo muuqaalka Hoose)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments