Maxkadeynta garsoore kubada cagta soomaali ah oo Denmark ka bilaabatay!

0
144
Foto: Sawirka facebooga garsoorahan soomaaliga ah

Magaalada Kolding ee dalka Denmark waxaa isbuucan ka bilaabatay maxkamadeynta garsoore soomaali ah oo katirsan garsoorayaasha caalamiga ah ee xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA. Garsoorahan soomaaliga oo 47-sano jir ah ayay dowlada Denmark ku eedeyneysaa inuu sifo aan sharci aheyn ku qaadan jiray lacagta la siiyo dadka aan shaqeyn-karin, xili uu garsoore ahaan uga shaqeynayay Afrika.

Booliska ayaa garsoorayahan ku eedeynayo in mudadii u dhaxeysay 2011 ilaa 2013 uu qaatay lacag dadka dhan 176.000 DKK, lacagtaas oo aheyd tan la siiyo dadka aan awooda u laheyn inay shaqeeyaan. Isla xiligaasna wuxuu garsoorayahan soomaaliga ah dhex-dhexaadinayay ciyaaro caalami ah oo Afrika ka dhacay.

Garsoorahan ayay boolisku sheegeen inuu dhex-dhexaadiye ka ahaa ciyaaraha tartanka bariga iyo bartamaha Afrika(CECAFA), xili uu Denmarkna ka qaadanayay lacagta loo yaqaan «Sygedagpenger». Wuxuuna kasoo dhex muuqday liiska garsoorayaasha ciyaaradaas dhex-dhexaadiyay ee boga internetka ee xiriirka kubada cagta FIFA.

Garsoorahan soomaaliga ah ayaan soo xaadirin kulanka dhageysiga dacwada, isaga oo la sheegay inuusan xiliga Denmark ku sugneyn. Sidaas darteed ayay maxkamadu sheegtay in dhageysiga kiiska dacwadiisa dib loo dhigi doono, ilaa uu soo xaadiro maxkamada. Sidoo kale waxaa amar lagu bixiyay in garsoorahan soomaaliga ah la qabto, hadii uu soo cago-dhigto mid kamid ah garoomada diyaaradaha Denmark.

Xigasho/kilde: Fyens.dk

 

 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments