Denmark: TV2 oo qirtay inuu warbixin marin-habaabin ah ka qoray dumar soomaaliyeed

0
127
FOTO: Skjermdump/TV2.DK

Muuqaal baahiyaha TV2  ee dalka Denmark ayaa maalmo kahor warbixin ka qoray 11 dumar soomaali ah oo uu kula kulmay goob shir ah, iyaga oo cinwaan warbixinta uga dhigay in dhamaan dumarkaas aysan ku hadlin luuqada dalka Denmark, isla markaana aysan shaqeynin. Laakiin waxaa hada soo baxday in qaar badan oo kamid ah dumarkii soomaaliyeed ee halkaas ku sugnaa ay sifiican u yaqaaneen luuuqada Danishka, balse ay ku dhiiran waayeen soo hor istaaga kaamirada.

Warbixinta sida khaladka loo gudbiyay ayaa abuurtay dood xoogan, iyada oo warbaahinta dalkaas ay bilaabeen inay eedeeyaan ama dhaleeceeyaan dumarka soomaaliyeed, iyaga oo ka duulaya ama soo xiganayo warbixinta TV2. Sidoo kale siyaasiyiinta xisbiyada kala duwan ee Denmark, uuna kamid yahay reysulwasaaraha Denmark  Lars Løkke Rasmussen  ayaa arintaas fikirkooda, ka dhiibtay.

TV2 ayaa maanta war ay soo saareen ku qirtay in warbixintaas ay aheyd mid marin habaain ah, oo aan loo soo bandhigin sidii saxda aheyd. Waxeyna sheegeen inay hada isbadal ku sameeyeen warbixintii hore oo ay qoreen, ayna raaciyeen macluumaad cusub oo aysan markii hore soo bandhigin.

Soomaalida Denmark ayaa kacdoon xoogan iyo fal-celin adag ka muujiyay warbixinta uu TV2 qoray iyo sawirka qaldan oo ay warbaahinta dalkaas maalmihii ugu danbeeyeen ka bixinayeen dumarka soomaalid ah. Cadaadis iyo dadaal dheer kadib, waxaa hada muuqato inuu isbadal keenay fal-celinta ay muujiyeen soomaalida ku dhaqan Denmark.

Waxey arintan muujineysaa in khalad ka dhaca wariye ama wargeys uu dhaawac xoogan u geysan karo sumcada iyo sawirka bulsho dhan, waxaase ka muhiimsan fal-celinta ay bulshada uu dhaawaca soo gaaray ay ka bixiyaan gargarada loo geysto.

Xigasho/kilde: Radio24syv.dek TV2.DK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments