Waa kuwan wasiirada golaha xukuumada cusub ee reysulwasaare Erna Solberg!

0
120
Foto: Skjerdump/nrk

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa maanta soo bandhigtay isbadal ay ku sameysay golaheeda xukuumada, kadib markii axadii lasoo dhaafay ay xukuumadeeda kusoo biireen xisbiga Venstre. Waxeyna isla axadiiba soo saareen heshiis siyaasadeed oo ay isku afgarteen.

Gudoomiyeyaasha sadexda xisbi ee Venstre, Høyre iyo Frp ayaa maanta si wadajir ah usoo bandhigay isbadalka golaha wasiirada, si boos loogu baneeyo xisbiga Venstre oo kooxda dowlada kusoo biiray.

Listhaug oo labadii sano ee ugu danbeysay wadno kar-kar iyo cabsi ku riday soo galootiga dalkan kunool, ayaa hada lagu abaar mariyay wasaarada cusub oo ka awood badan tii hore, waxaana loo daayay shaqadii hore oo ay heysay ee soo galootiga, inkasta oo qeybta isdhexgalka bulshada laga wareejiyay.

Shan wasiir oo cusub: 

1)Trine Skei Grande(Gudoomiyaha Venstre): Wasiirka dhaqanka

2)Ola Elvestuen (Venstre): Wasiirka deegaanka iyo cimilada.

3)Iselin Nybø(Venstre): Wasiirka cilmibaarista iyo aqoonta sare

4) Nikolai Astrup (Høyre): Wasiirka horumarinta iyo deeqaha. Qeyb laga gooyay wasaarada arimaha dibada.

5) Åse Michaelsen (Frp): Wasiirka dadka waayeelka ah iyo caafimaadka dadweynaha.

Shan wasiir oo wasaaradaha loo badalay:

6)Sylvi Listhaug (Frp): Wasiirka cusub ee cadaalada iyo soo galootiga(labo wasaaradood oo la isku daray)

7) Torbjørn Røe Isaksen (Høyre): Wasiirka Ganacsiga: Wasiirkii hore ee waxbarashada

8) Monica Mæland (Høyre)Wasiirka degmooyinka: (Wasiirkii hore ee ganacsiga).

9) Linda Hofstad Helleland (Høyre): Wasiirka caruurta iyo sinaanta. (Wasiiradii hore ee dhaqanka)

10) Jan Tore Sanner (Høyre)): Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka bulshada(Wasaaradan waxaa lagu daray qeybta isdhexgalka bulshada oo laga soo gooyay wasaaradii hore ee Listhaug).

Wasiiradan waxey sii wadan doonaan shaqadooda: 

11) Erna Solberg(Høyre): Reysulwasaare: Wasiirka koowaad ama wasiirka wasiirada.

12) Siv Jensen(Frp): Wasiirka maaliyada.

13) Ine Eriksen Søreide (Høyre): Wasiirka arimaha dibada.

14) Bent Høie (Høyre): Wasiirka caafimaadka iyo xanaanada.

15) Anniken Hauglie (H), arbeids- og sosialminister

16) Ketil Solvik-Olsen (Frp): Wasiirkaa gaadiidka iyo wadooyinka.

17) Jon Georg Dale (Frp): Wasiirka beeraha iyo cuntada

18) Per Sandberg (Frp): Wasiirka kaluumeysiga

19) Terje Søviknes (Frp):  Wasiirka shidaalka iyo tamarta

20) Frank Bakke-Jensen (Høyre): Wasiirka difaaca.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments