Video: Gudiga gurmadka Norway iyo masaajidka Towfiiq oo lacag uruurin u bilaabay soomaalida lagu xasuuqay deegaamada Oromada

0
153

Gudiga gurmadka soomaalida dalkan Norway iyo masaajidka Towfiiq ayaa howl gurmad lacag uruurin ah u bilaabay dadka soomaaliyeed ee lagu xasuuqay, lagana soo barakiciyay deegaamada dhulka Oromada.

Sh Cali Maxamed Saalax oo ah imaamka masaajidka Towfiiq ayaa soomaalida ku dhaqan Norway ka codsanayo inay ka qeybqaataan howsha gurmadka ee loo fidinayo walaalaha soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha Ethiopia.

Masaajidka Towfiiq iyo gudiga Gurmadka ayaa mar kale ku heshiiyay in la adeegsado koontada iyo sharciga hey’adda Hanaano oo aheyd hey’adii sharcigeeda lagu uruuriyay labadii gurmad ee ugu danbeeyay.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments