TV2: Kenya oo Norway ka codsatay inay qoxooti dheeri ah ka qaataan Bariga Afrika

0
101
Foto: Skjermdump/tv2.no

Wasiirada soo galootiga dalkan Norway oo maalmahan ku sugneyd bariga Afrika ayaa shaley la kulantay wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Kenya,Karanja Kibicho.

Sida uu soo tabiyay muuqaal baahiyaha TV2, Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Kenya ayaa Listhaug ka codsaday in dalalka Yurub, gaar ahaan Norway ay bariga Afrika ka qaataan qoxooti dheeri ah, maadaama Kenya oo qura ay marti galiso boqolaal kun oo qoxooti ah, kana soo jeedo wadamada Suudaan iyo Soomaaliya

Listhaug ayaa dhankeeda TV2 u sheegtay inay Kenya u tagtay si ay xal ugu hesho qoxootiga kunool goobaha xerooyinka qoxootiga ee dalalka dariska ah.

Wasiiradan ayaa saaka booqasho ku tagtay xerada Kakuma, waxeyna sheegtay inay Norway kordhin doonto tirada qoxootiga Afrika laga soo qaato, si dib u dajin loogu sameeyo. Maadaama dhowrkii sano ee ugu danbeeyay aad loogu mashquulsanaa qoxootiga reer Siiriya.

Tirada qoxootiga ay Norway soo qaadan doonto ayaa lagu go aamin doonaa wada hadalada xisbiga Venstre uu kula jiro xisbiyada dowlada.

Wasiirada soo galootiga dalkan Norway ayaa shaley la kulantay wasiirka amniga Soomaaliya oo Nairobi u yimid si uu Listhaug ula kulmo. Lama oga waxa ay ku wada hadleen, balse wargeyska VG ee dalkan Norway ayaa kulanka kahor qoray in Listhaug ay rabto inay wasiirka amniga Soomaaliya kala hadasho taabagalinta heshiiska dib u celinta qoxootiga oo ay wada galeen Norway iyo Soomaaliya.

Wasiirka amniga ayaa xaley bartiisa Facebooga soo dhigay qoraal uu ku sheegayo inuu Listhaug kala hadlay xiriirka labada wadan, inkasta oo taas aysan aheyn shaqada wasaaradiisa. Kulankooda waxaa ku weheliyay Maxamed Cabdi Afey oo qaramada midoobay u qaabilsan qoxootiga dib loogu celinayo Soomaaliya.

Warbixinta TV2 waxaad ka arki kartaa wasiirka amniga Soomaaliya oo wada hadal kula jiro wasiirada soo galootiga Norway(hoos ka daawo).

Xigasho/kilde: VG.NO, TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments