SR: 1100 qof ayaa sanadkii isku dila(qudha iska gooya) dalka Sweden

0
93

Sida laga soo xigtay tirokoob ay sameeyeen hey,addaha caafimaadka dalka Sweden, isku cel-celis 1 100 qof ayaa isku dila(qudha isaga gooya ) dalka Sweden. Iyada oo sidoo kale sanadkii la diiwaan galiyo ilaa 350 qof kuwaas oo aan la garan sababta keenta geeridooda.

Laga soo bilaabo sanadkii 2015, dowlada Swden ayaa hey´addaha caafimaadka u xilsaartay inay dardar galiyaan shaqooyinka la xiriira sidii loo badbaadin lahaa nolosha dadka, loogana hortagi lahaa inay isdilaan.

Hey´addaha caafimaadka Sweden ayaa sheegay inuu xiriir ka dhaxeeyo adeegsiga khamrada iyo daroogooyinka kale, iyo is dilka dadka. Waxeyna dowlada ka codsadeen inay la timaado siyaasad fiican oo ku wajahan ka ganacsiga khamriga, si loo dhimo dhibaatooyinka dadka isdilaya.

Sida lagu sheegay tirokoobka hey´addaha caafimaadka, isdilka ayaa ku badan dadka ay aqoontooda ka hooseyso shahaadada dugsiga sare. Sidoo kale gabdhaha ay da´doodu u dhaxeyso 15 ilaa 29 ayuu isdilku noqday sababta ugu badan ee keenta dhimashadooda.

Dalka Sweden ayaa lagu tiriyaa inuu kamid yahay wadamada ugu nolosha fiican aduunka, waxeyna tiradan muujineysaa in qanacsanaanta noloshu qofku aysan ku xirneyn meesha ama dalka uu markaas joogo.

Xigasho/kilde: Radio-Sverige-Somali

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments