Oslo: Nin lagu xukumay magdhow 140.000 NOK, kadib markii lagu helay inuu meel uga dhacay sharafta nin caan ah

0
99
Foto: Youtube Dennis Vareide: Ninka ay maxkamada Oslo wax u xukuntay.

Sanadihii ugu danbeeyay waxaa baraha bulshada, gaar ahaan Facebooga iyo Youtube-ka kusoo badanayay dadka soomaalida ah ee inta ay Kaamirada furtaan, wixii markaas uu afkoodu qabto sheego. Mararka qaarkoodna ceebeyn iyo meel ka dhac u geysta sharafta iyo sumcada dad caan ah.

Hadaba magaalada Oslo waxaa isbuucii lasoo dhaafay ka socday dhageysiga maxkamada u dhaxeyso labo qof oo aad looga yaqaano baraha bulshada dalkan Norway.

Dennis Vareide (27) ayaa nin kale oo baraha bulshada caan ka ah maxkamad kula fuulay magaalada Oslo, wuxuuna ka gudbiyay dacwad ah inuu meel ka dhac u geystay sumcadiisa, isaga oo ka dalbaday magdhow dhan 130.000 NOK. Wuxuuna ku eedeeyay inuu baraha bulshada soo galiyay muuqaalo been abuur ah, kuwaas oo uu rabay inuu ku dhaawaco sumcada uu bulshada ku dhex leeyahay.

Maxmada Oslo ayaa qofka lasoo eedeeyey oo 19 sano jir ah ku xukuntay inuu bixiyo 50.000 oo magdhow ah, sidoo kalena uu bixiyo kharashaadkii ku baxay maxkamada oo dhan 90.000. Waxeyna maxkamadu ninkaas ku heshay danbiga lagu soo eedeeyay oo ahaa inuu meel uga dhacay sharafta Dennis, uuna dhaawacay sumcadiisa.

Dennis Vareide ayaa sheegay in lacagtu aysan muhiim u aheyn, balse uu aad ugu qanacsanyahay in maxkamadu ay u xukuntay dacwadiisa, ayna muujisay in ficilada noocaas oo kale ah aysan aheyn kuwo la aqbali karo.

19-ka jirka ay maxkamadu xukuntay ayaa dhankiisa sheegay inuu aqbalay xukunka maxkamada.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments