Kooxo magangalyo-doonayaal ah oo dacwad ka gudbiyay waaxda canshuuraha

0
126

Boqolaal magangalyo doonayaal ah ayaa sanooyinkii ugu danbeeyay lacago badan qaab canshuur ahaan ah u soo galin jiray sanduuqa dowlada, iyaga oo aan helin xuquuqda qofka canshuur bixiyaha ah. Shirkad mataleysa kooxdan magangalyo doonka ah ayaa dacwad ka gudbiyay waaxda canshuuraha Norway, iyaga oo dalbanayo in qaar kamid ah lacagahaas loo soo celiyo dadkii bixin jiray.

Dadkan ayaa u badan dad diidmo laga siiyay codsiga magangalyada, laakiin ay dowladu siisay waraaqaha shaqada. Waxaana sidoo kale la siiyay kaarka canshuurta, laakiin ma aysan heli jirin xuquuqda uu leeyahay qofka canshuurta bixiya ee lacagta soo galiya sanduuqa dowlada. Tusaale ahaan waxey bixin jireen canshuur sida dadka caadiga ah(mararka qaar 50%), laakiin ma aysan heli jirin xuquuqda taageerada dhaqaale ee uu qofku helo, marka uu qofku xanuunsado, ilmo ay u dhashaan iwm.

Shirkad lagu magacaabo Plog As ayaa sheegtay inay dacwad ka gudbisay waaxda canshuuraha, ayna matali doonaan koox magangalyo doonayaal. Dad kasoo jeedo Soomaaliya, Iran, Ethiopia iyo Ereteriya ayaa kamid ah dadka ay kooxdan sheegeen inay matali doonaan.

Sida ay Plog AS sheegtay lacagta ay dadkan xaqa u yeelan karaan ayaa isku dar gaari karta nus bilyan.

Xigasho/kilde: Klassekampen, NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments