Hogaanka Ap oo uu xaalku ku xunyahay iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad oo xilka laga sii qaaday ilaa xili aan la cayimin.

0
102
Foto: Ap.no

Bilihii ugu danbeeyay waxaa dhamaan dacalada aduunka saameeyay ololaha METOO(anba sidoo kale), kaas oo ah olole ay dumar badan kusoo bandhigeen qash-qashaad ama damac jinsi oo ay kala kulmeen rag ay isla shaqeeyaan ama iska ag dhawaayeen. Ololahan oo markiisii hore uu xoogiisu ka bilowday shirkada filimada ee Hollywood ayaa markii danbe sifiican ugu faafay dunida oo dhan, gaar ahaan wadamada reer galbeedka.

Dumar dhowr ah oo katirsan xisbiga shaqaalaha ama horey ula soo shaqeeyay ayaa cabasho qash qashaad ku saabsan ka gudbiyay gudoomkiye ku xigeenka koowaad ee Ap, Trond Giske oo horey usoo qabtay dhowr xil oo wasiirnimo ah, kana mid ah hogaanka ugu saameynta badan xisbiga. Arintaas ayaa abuurtay dood badan oo ka dhex dhalata xisbiga, salkana ku heysa waxa laga yeeli doono eedeymaha ay dumarkaas soo gudbiyeen.

Trond Giske ayaa dhankiisa qirtay inay dhici karto inuu sameeyay waxyaabo ay dadka qaarkii u farisan karaan damac jinsi ama qash-qashaad, isaga dhowr mar raali galin warbaahinta kaga bixiyay arintaas.

Dad badan oo xisbiga Ap katirsan ayaa qaba in xilka laga xayuubiyo Trond Giske, maadaama uu lumiyay kalsoonida qeybo badan oo xisbiga kamid ah, halka kuwa kalena ay qabaan in si kale arinta loo xaliyo. Sidoo kale warbaahinta ayaa gudoomiyaha Ap, Jonas Gahr Større ku eedeynayo inuusan kasoo bixin doorkii hogaamiyneed ee xisbiga, maadaama uusan go’aan cad wali ka qaadan kiiska gudoomiye ku xigeenkiisa koowaad.

Gudoomiyaha Ap ayaa maalin kahor sheegay in xilka ilaa xili aan la cayimin laga sii qaadi doono Trond Giske. Waxuuna xisbigu sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan dacwada ay dhowrka qof ee dumarka ah kasoo gudbiyeen Trond.

Hadia Tajik oo u muuqato inay la safantahay ama kacaansan dumarka dacwadaha soo gudbiyay ayaa  dhankeeda u muuqata inay la safantahay qeybta katirsan xisbiga ee rabta in xilka laga tuuro Trond Giske. Waxeyna taas abuureysaa muran ka dhex dhasha gudoonka xisbiga, taas oo keeneyso in khilaafku uu sii adkaado.

Ap oo guul daro laxaad leh ay kasoo gaartay doorashadii dhawaan dhacday, una baahnaa daaweyn deg-deg ah ayaa hada mar kale galay marxalad kale oo fowdo ah, waxeyna u muuqataa in waqti dheer ay qaadan doonto inay arintaas kasoo kabtaan.

Codbixinadii ugu danbeeyay ee lagu qaaday baraha bulshada, waxaa muuqaneysay in xisbiga Høyre uu Ap kala baxay booska xisbiga ugu weyn Norway.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments