54 dal oo Donald Trump ka dalbaday in uu raaligelin bixiyo hadalkii aflagaadada ahaa.

0
129

Midowga Afrika ayaa dalbadey in Donald Trump uu raaligalin ka bixiyo eraygii foosha xumaa ee uu ugu yeeray dalal Afrikaan ah iyo kuwo ku yaala Bartamaha Ameerika. Trump ayaa dalalkan ku tilmaamay inay yihiin godka musqusha(bulaacad).

Midowga Afrika oo matalaya 54 dal ayaa ku tilmaamey hadalka Trump “Wax aad looga xanaaqo”, waxeyna madaxweynaha Mareykanka ka dalbadeen inuu ka noqdo hadalkaas, raali galina uu ka bixiyo.

Kadib shir aan caadi ahayn oo safiirada dalalka Afrikaanku isugu yimaadeen Qaramada Midoobey ayey sheegeen “waxaan ka welwelsan nahay isbedelka sii kordhaya ee ka socda maamulka Mareykanka ee ka dhanka ah Afrika iyo dadka Afrikaanka asal ahaan ka soo jeeda, qaarada iyo dadka midabka leh.”

Warka ka soo baxay 54 dal ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay:

“Waxaan dooneynaa inaan muujinno caradayada iyo niyad-xumada ku jirta hadalada nasiib darrada ah ee Donald Trump”

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments